Baraha Bulshada: Muuqaal Laga Baahiyey Nin Tuug Ah Oo Iloobay In Uu Wejigiisa Qariyo Xilli Uu Wax Xadayey !

0

Dadka u dhashay Dalkaasi Maraykanka ayaa waxa ay baraha bulshada aad ugu qaadaa dhigeen nin tuug ah oo aqal u soo dhacay kaasi oo xaday alaab badan.

Tuugan ayaa waxa uu albaabka ka masaxay gacmihiisa si aan loo helin balse arrinta aadka u layaabka badan ayaa waxa ay tahay in ninkaasi aanu wejigiisa qarin.

Tuugan ayey dadku ku tilmaameen doqon sababtuna waxa ay tahay in aanu iska eegin in gurigiisa ay ku xidhneyd kamarada wax ilaalisa sidaasi awgeedna ay fududahay in gacanta lagu soo dhigaa.