Deg-deg Madaxweynaha Jsl Oo Kulamo La Qaatay Jaaliyada Dalka Sucuudiga +Sawiro

0

-Madaxweynaha jsl mudane muuse biixi cabdi iyo waftigii uu hogaaminayey ayaa kulamo la qaatay caawa jaaliyada reer somaliland ee ku dalka sucuudiga gaar ahaan Magaalada jiddah, Waxaana kulankani ahaa kuwo ay isu xogwaraysanayeen jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan dalkaasi iyo madaxweynaha qaranka jsl.

Wafti madaxwaynaha somaliland ayaa warbixin jaaliyada Kasiiyay xaalada dalka iyo sidii loogu soo dhaweeyay Xajka

Madaxwayne biixi oo madashan ka hadlay ayaa ku dheeraaday xaalada dalka iyo waxa u qabsoomay xukuumadiisu intii ay talada dalka haysa iyo waxyaabaha uqorshaysan,

HALKAN KA DAAWO SAWIRADA KULANKA MADAXWEYNAHA IYO JAALIYADA SOMALILAND EE SAUDI ARABIA.

Dhanka kale Madaxwaynaha somaliland ayaa Jaaliyada reer somaliland ee ku dhaqan magaalada jidaha ee dalka sucuudi arabiya usoo jeediyay in ay ka qayb qaataan Maalgashiga dalka iyo sidii ay dadaal dhinacooda ugu gali lahaayeen Xidhiidhka jsl Iyo beesha caalamka.