Nin Sirkhaansanaa Oo Isku Dayey In Uu Diyaarad Af-Duubo !

0

Diyaarad u kala Socotay Dalalka Iceland iyo Hungry ayaa waxa ay si degdeg ah u caga dhigatay gegida diyaaradaha Stavanger ee dalkaasi Northway kadib markii uu nin ka mid ahaa rakaabkii diyaaradaasi oo maandooriye cabsanaa isla markaana sikhradu ay ka tan badatay uu isku dayey inuu galo qolka laga hago diyaarada.

Duuliyaha diyaarada ayaa waxa uu isla markiiba la xidhiidhay ciidammada Ammaanka ee dalkaasi North way xilli ay diyaaradu ku jirtay hawada dalkaasi waxaanu ku war galiyey xaaladda ninkaasi sirkhaansan si nabad qab ah ayey diyaaradaasi ku soo caga dhigtay waxaana ninkaasi halista galiyay diyaarada isla markiiba gacanta ku dhigay ciidammada Ammaanka ee dalkaasi waxa aanay sheegeen in ninkaasi ilaa iyo haatan baadhitaan ku socdo isla markaana haddii ay ku cadaato in uu si badheedh ah falkaasi ugu kacay u mutaysan doono xadhig muddo 3 sano ah.