“Xisbiyada Mucaaridka Ah Waxa Jira Rag Maalin La Dhacay Maxamed Siyaad Barre, Markaa Kuwaa Waynu Odhan Karnaa, Laakiin Ninka Isagoo Sarkaal…”-Wasiirka Gaadiidka

0

Wasiirka Gaadiidka Oo Si Adag U Difaacay Kulankii Iyo Madaxweynaha & Soomaaliya Ee Xaramka Soona Bandhigay Dalalka Kale Ee Uu La Kulmay

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, ayaa si adag u difaacay Kulankii Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu Xaramka kula yeesheen Wasiiro ka socday Dawladda Dalkaasi Soomaaliya, waxaanu sheegay in aan Qadiyada Somaliland looga baqayn Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo isla markaa ku eedeeyey in Madaxda Xisbiyada qaarkood ay ku jiraan kuwo looga baqi karo, wallow aanu Wasiirku si toos ah u magacaabin.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, oo shalay u warramay Saab Tv ayaa ka hadlay doorka Xukuumadda ee Wadda hadalka Soomaaliya iyo waliba Sawirka hadal haynta badan dhaliyey ee muujinayey in Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu Xaramka kula kulmeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Farmaajo, waxaanu yidhi, “Dalkan waxa ka masuul ah Xukuumadda oo loo doortay, Runtiina waxaan moodayey in arrinkaasi uu dhammaaday oo waxa ka hadlay Wasiirkii Arrimaha dibada ee Soomaaliya oo sheegay inay Madaxweynaha Somaliland ku soo booqdeen hoygii uu deganaa, waxaanay u booqdeen Salaan keliya, markaa Nin Marti ah oo kuu yimmi waad soo dhaweynaysaa, wax kasta ba isku qabtoo Ninka gurigaaga kuugu yimmi dhaqanka Islaamka iyo ka Soomaalida ba inaad soo dhaweysaa waa darruuri waxaanan is leeyahay waa arrin jaban oo aad u hooseeya”. Wasiirku waxa kale oo uu intaasi ku daray, “Madaxweynuhu Soomaaliya oo keliya lamuu kulmin ee waxa kale oo uu la kulmay Jabuuti Iyo Suudaan, markaa arrinku ma ahayn arrin siyaasi ah oo lagaga wada hadlayey siyaasad”.

Wasiir Cabdillaahi waxa kale oo uu sheegay cidda awood u leh inay Soomaaliya la kulanto, “Soomaaliya waxaynu doonaynaa in aynu wada hadalno markaa waxa awood u haysta oo la kulmi kartaa waa Xukuumadda, laakiin maaha in uu shaqsi la kulmayo inta uu kolba uu meel ugu tago”.

Wasiir Cabdillaahi waxa kale oo uu daadifeeyey shakiga laga qaatay kulanka Madaxda Somaliland iyo Soomaaliya ee Xaramka, “Runtii, Anigu isma lihi wax kastaaba taariikh ayey leeyihiine in maanta Madaxweyne Muuse Biixi iyo Wasiir Maxamed Kaahin oo taariikhdooda la yaqaano oo Ina Kaahin waxa uu ka mid ahaa afartii Sarkaal ee ugu horreeyey ee SNM u tallaabay sidii uu dalkooda u soo dhicin lahaa ee dhiigiisa u soo huray,  Muuse na waa la ogyahay markaa shaqsiyaad aynu uga baqan karno oo waa la odhan karo waa laysla sawiray ma sawir ayaa wax beddeli kara”.

Sidoo kale, Wasiir Cabdillaahi Abokor waxa uu Madaxda Xisbiyada Mucaaridka ah qaarkood uu ku eedeeyey in looga baqan karo Qadiyada Somaliland, “Xisbiyada Mucaaridka ah waxa jira Rag maalin la dhacay Maxamed Siyaad Barre, markaa kuwaa waynu odhan karnaa, laakiin ninka isagoo Sarkaal ahaa tallaabay oo soo dagaalamay ma odhan karno waynu uga baqan karnaa Somaliland”.

Ugu dambayntii, Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdillaahi Abokor X Cismaan, ayaa ku dhawaaqay furitaanka dugsi dawli ah oo lagu baran doono habka waddista Gaadiidka, “Dugsi dawli ah oo aanay maamuleyn shirkad gaar ahi ayaanu beryahan ba ku foogneyn, dugsigaasi waxa lagu tababbari doonaa dirawalada dawladda iyo Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka, waxaananu Taliyaha Ciidanka Nabadgelyada Waddooyinka ka codsanay inuu noo soo tababbaro Shan iyo konton Sarkaal oo lagu soo tababbaro shuruucda Gaadiidka, sidoo kalena waxa lagu tababbari doonaa Dugsiyada barashada Gaadiidka, sababtoo ah waxaanu ku sameynay Diwaangelin iyo Tirokoob waxaananu ogaanay in dadka dugsiyadaasi ardayda wax ku baraa in aanay ahayn kuwo aqoon u leh oo u qalma inay dadka wax baraan, markaa saddexdaasi qaybood ayaa dugsigaasi wax lagu bari doonaa waana dugsi ay dawladdu leedahay”. Ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadku