Ganacsade Maxamed Jabuutaawi Oo Dhaqaale Badan Ku Bixiyey Dhismaha Garoonka Diyaaradaha Magaalada Laascaanood.

0

Hadhwadaagnews(Sool):-Ganacsadaha Da’da yar ee Maxamed jabuutaawi ayaa Bilaabay Dayactir iyo dhisme Lagu sameynayo garoonka diyaaradaha ee Magaalada laascaanood Xarunta gobolka sool.

Garoonka Diyaaradah ee Gobolka Sool oo labaatankii sanno ee ugu danbeeyey ahaa mid dayac faro badani ka muuqdo islamarkaana aaney jirin wax dhisme ama dayactir ah oo lagu sameeyey intii dalka lagu soo noqoday ayaa waxaa dhibaato weyn kala kulmi jiray diyaaradaha iyo gadiidka kala duwan ee ka hawlgala dhabada diyaaradaha ee Magaalada Laascaanood.

Waxaana Wakhtigan si Muwaadinimo iyo ku Dhiirasho Daljacayl ah Maalgalin faro badan ugu bixiyey ganacsadaha da’da yar ee maxamed jabuutaawi oo kamida ganacsatada reer somaliland ee maalgashiyada kala duwan kusameeyey dalka.

Waxaana arrintani uu ku talaabsaday ganacsade maxamed jabuutaawi ay ku dhiirasho iyo tusaale fiican u tahay ganacsatada gobolka iyo dhamaan ganacsatada reer somaliland ee ku nool dalka gaar ahaan kuwa magaalada laascaanood.

Bulshada kala duwan ee gobolka sool ayaa siweyn usoo dhaweeyey dib u habaynta lagu sameynayo Garoonka diyaaradaha ee magaalada laascaanood iyagoona uga mahadceliyey doorka uu galiyey ganacsade Jabuutaawi oo inta badan dhaqaalihiisa u hura sidii uu bulshada ugu celin lahaa.

Waxaan ganacsadaha oo geeyey garoonka qalabka dhismaha oo isugu jira Gawaadhida waaweyn iyo Cagafyada lagu Qodo ama lagu sameeyo laamiyada uu bulshada ku nool gobolka sool uguĀ  baaqay inay ka qayb qaataan dhismaha garoonka oo ah waxyaabaha ay bulshadu wada leedahay isagoona ku dheeraaday in hirgalintan dhismahan iyo sida ay uga go’an tahay.

Dhanka kale waxaa uu ganacsade Maxamed Jabuutaawi Fariin muhiima u diray dhamaan qurbejoogta ku nool Dalalka dibada ee kasoo jeeda gobolka barriga kuwaas oo uu ugu baaqay inay iyaguna kasoo qayb qaataan dhismaha iyo dayactirka garoonka magaalada laascaanood oo uu noqonayo masuulkii ama ganacsadihii ugu horeeeyey ee isagu ku bixiyey hantidiisa sidii loo dhisi lahaa.