Waa kuma Dr Zakir Naik?

0
Zakir Abdul Karem Naik

Zakir Abdul Karem Naik waa nin bulsho wax u sheeg ah una dhashay waddanka Hindiya kaas oo ka hadla diinta islaamka iyo diimaha kaleba ‘comparative religion’. Waa aas’aasaha iyo madexwaynaha Jimciyadda baadhitaanka islaamiga ah ‘Islamic research foundation’ (IRF). Jimciyaddan waa mid mutadawic ah waxayna leedahay warbaahiyaha caalamiga ah Peace Tv ee fadhigiisu yahay magaalada Dubai ee Isku tagga Imaaraadka Carabta. Kahor inta aanu noqon nin u hadla diinta islaamka waxa uu bartay maadadda caafimaadka halkaas oo uu diyaariyay dhaqtarnimo.

Taariikh nololeedka Zakir:

Dr Naik waxa uu ku dhashay magaalada Mombay, Maharasta Hindiya sannadkii 18kii Oktoober 1965kii, Waxbarashadiisa laga bilaabo dugsi hoose ilaa jaamacad wuxu ka dhigtay isla magaaladaas halkaas oo uu markii danbe ka baxay jaamacada Mombay ‘University of  Mumbai’ halkaas oo uu ka qaatay ‘bachelor of medicine and surgery’.

1991kii Dr Zakir waxa uu bilaabay in uu ku shaqaysto dawaynta dadka waxayna ahayd sannadkii uu uu dhidibada u taagay ururkiisa ‘Islamic Research Foundation’. Naik waxa uu sheegay in uu dhiirigalintii ugu badnayd ee sababtay in uu noqdo qof u hadla islaamka uu ka helay Sheekha weyn ee u dhashay dalka South Afirca Sh.Axmed Deedat mar uu la kulmay sannaddii 1987. Naik wuxu yidhi hadafkaygu waa in aan xoogga saaro dhallinyarta muslimka ah ee la baqa diintooda isla markaasna u haysta wax laga tagay ‘out dated’, taas oo uu aaminsan yahay in ay tahay waajib saaran qof kasta oo muslim ah in uu iska saaro fikradaha qaldan ee uu ka aaminsanyahay diinta. Zakir qudbadihiisa oo qoran waxa lagu daabacaa wargeysyo iyo majallado caalami ah oo ay ugu horayso majallada ‘Islamic voice’.

Nin ku xeel dheer barashada dadka iyo waxa ay aaminsanyihiin ayaa Dr Zakir ku sheegay in uu aad uga yaabay sida uu ugu xafidsanyahay quraanka iyo xadiisyadaba af aan kiisa hooyo ahayn taasina waa sababta ka dhigtay buu yidhi in uu caan ka noqdo bulshada muslimka ah iyo ta aan ahaynba .

 

Qudbadihiisa:

Doodaha caalamiga ah ee u qabto Dr Zakir iyo qudbadihiisaba waxa lagu baahiyaa habka online, waxa kale oo loo duubaa qaab cajalado ah ( DVD ) taas oo laga daawado dhamaan dacallada dunida. Qudbadihiisa oo uu ku duubo luuqada Ingiriisida waxa laga sii daaya warbaahiyayaal badan oo uu ka mid yahay channelka Peace Tv. Mawduucyada ugu qiimaha badan uguna caansan ee Dr Zakir waxaa ka mid ah: Quran and modern science, Islam and Christianity, iyo Islam and securalism”.

Naik wuxu qudbado iyo dooddo ku qabtaa meelo badan oo dunida ah, waxaana ka mid ah  dooddii caanka ahayd ee uu la galay William Campell taas oo ka dhacday magaalada Chicago April 2000 kana hadlaysay mawduuca cinwaankiisu ahaa “The Qur’an and the Bible: In the Light of Science”.

2004 Naik waxa lagu martiqaaday jaamacadda Melbourne ee magaalada Melbourne Australia, waxaana uu ka hadlay mawduuca ah in diinta islaamku tahay ta kaliya ee siisay dumarka xuquuq dhammaystiran. 21kii Jeneweri 2006 waxa uu Naik wada hadal diimeed la galay Sri Sri Ravi Shankar taas oo ka dhacday magaalada Banglore kuna saabsanayd ‘Concept of God in Islam and Hinduism’.

Naik waxa uu noqday qofka 82aad ee liiska 100ka qof ee ugu awoodda badan hindiya ‘100 most powerful Indians in 2010’ ee ku soo baxay wargayska the Indian Express. Sidoo kale wuxu ka mid noqday shaqsiyaadka lagu soo qaatay buugga la magac baxay ‘the 500 most influential muslims’.

Sanadkii 2012 Naik waxa uu safar ku tagay waddanka Malaysia halkaas oo uu ku qabtay in ka badan shan qudbadood.

Bishii July ee sanadkan 2013,   Naik waxa uu ku guulaystay abbaal marinta ah shaqsiyadda islaamka ee sannadka ‘Islamic personality of the year’ taas oo lagu guddoonsiisay sannad guuradii 17aad ee  ‘Dubai International Holy Quran Award’ oo lagu qabtay magaalada Dubay.

La Soco…….

Hargeysa, Somaliland