Xigmaddii Sheekh Ismaaciil Xidhiidhka Ka Dhexeeya Aqoonyahanka iyo Fidinta Dacwada Islaamka.

0

Sheikh Ismaaciil Tabliiq oo Kamida Culimada ku Caanka ah Fidinta diinta islaamka islamarkaana ah amiirka tabliiqa ee geeska africa ayaa la laga qoray odhaahyadan oo uu kula hadlayey aqoonyahan da’yar oo uu u jeediyey dardaaran la xidhiidha fidinta diinta islaamka iyo xidhiidhka ka dhexeeya aqoonyahanka.

“ Aqoon-yahanimo, waa Qof sida Toosh uu Dadka u iftiiminayo. Tooshankana waxa sidi kara Qof garaadkiisa aqooneed-na uu xor yahay, kayd aqooneed-na leh, waxa uu sheegayaana ay ka run tahay oo Noloshiisa ay ka muuqato. Intaa hadii aad heshaan Aduunkana magac iyo maamuus ayaydun kaga tagaysaan Aakhirana waa liibaanaysaan. Waana intii ay qaban jireen Anbiyadii iyo Dadkii Hormoodka u noqday Umadahooda. Inaga waxa ina baylihiyay aqoon-yahankeenii, waayo aqoontiisii waxay noqotay aqoon uu ku xoogsado.”    

Halkan Ka Daawo Mid Kamida Xigmadihii Sheekha.