Dawada Dhaxanta “TB” Oo Lagu Iibiyo Suuqyada Hargeisa iyo Tirada Amaro Lagu Madnuucayo Ka Ganacsigeeda Oo hore Looga Soosaaray+Masuuliyiinta Ku Suntan Wakhtigan.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Wasiirki hore Wasaarada hormarinta caafimadka S.land waxa uu badhtamaha sanadkii 2018 warreegto wasiir ka soo saarey ka ganacsiga daawoyinka qaar iyo weliba in lagu bixiyo xarumaha gaarka loo lee yahey sida hospitalada &  pharmacy

Daawooyinkaa  waxa kamid ahayd daawada tuberculosis (dhaxanta) TB Wareegtadaas waxba kama fulin mana jirin talaabo hore looqaadey, soosaaristeedaka bacdi, xarumaha caafimadka ee gaarka loo lee yahey, waxaa lagaga ganacsadaa sida pharmacy & hospitalada, masuuliyinta waaasarada u xilsaarneyd oo uu ugu horeeyo Agaasimaha guud ee wakhtigan xilka wasaaradaasi hayaa waxaa ay noqotay talaabooyinka uu ku fashilmay islamarkaana uu qaybweyn ka yahay.

Tusaale ahaa hadaan soo qaato agaasimaha guud ee wasarada hormarinta caafimaadka somaliland ayaa ka mida shaqsiyaadka ka ganacsada daawada tuberculosis #(TB),

Waxaana jirta Xarun caafimaad oo uu agaasime xergeeye ku Leeyahay badhtahama hargeisa oo lagu iibiyo lagu gado Daawada TB-da, Mana jirto masuulkan hormoodka looga dhigay wasaaraddii caafimaadka jsl, wax uu ka hirgaliyey Amarada wareegtooyinkaasi hore uga soo baxay wasiiradii soo maray wasaarada caafimaadka Somaliland.

Sow ma markaa noqon mayso sidii uu alle haw naxariistee Abwaan maxamed Xaashi Dhamac Gaariye lahaa.

nin dawee la leeyahay, dambi uu badh leeyahay, xalka doon la leeyahay, isaguu u daranyoo,  inu daaro ma ogola,  daaraanta mililka leh, anna deyste ma ogoli,  deebaaqda igu mudan…

Inta La ogyahay ka ganacsiga daawada tuberculosis TB  Ayaa mabnuuc ka ah dunida oo dhan, xarun gooni loo leeyahey in lagu bixiyaa sida oo kale waa mabnuuc,

Daawada TB waxay ka mid tahey deeqaha ay bixiyaan haayada caawiya dadka qaba TBda waxayna ugu talo galeen iney bilaash ku helaan bulshada qabta xanuunka Tb sida oo kale bilaash lagu baadho.

4 Dikreetooyin kala duwan ayaa mabnuucista iibka dawada TB -da laga soo saarey kana soo saareen wasiirada waarada hormarinta caafimadka soo marey, waxey kala ahaayeen,

1: Dr. Xasan Ismaaciil(2001,& 2018),  2: Dr. Xuseen Xoog (2010) & 3:C/laahi Dirawal (2005)

Waxa ayaan daro ah in dawada laga mabnuucey 2001 somaliland in laga ganacsado, maanta agaasimaha guud wasarada hormarinta caafimadka, uu ka ganacsanayo weliba si badheedha? #Clipkan xaga hoose idinka muuqda waa agaasimaha guud wasarada hormarinta jidadka & gaadiidka sharaxaad ka bixiyaa warreegto daraad ka soo baxdey xafiiskisa, isla maalinta xigta agaasimaha wasaardasi hirgalinayo bulshada usharaxaya waxey tahey si hirgaleenteeda meel uga soo wada jeestaan.

http://https://m.facebook.com/story.php?story_fbid=10156995039902572&id=571987571

Adeegyada caafimaadka uma baahna siyaasadeyn iyo guulwadeyn waa arimo ubaahan si dagan ka taxadir le looga shaqeeyo. Qofka kasta bulshada reer somaliland waa soo baadhi karaa oo lexjecloka heysaa.

 

Somali activist

Nouman M Muse