Booliska Dawlada Federalka Oo Xubno Sare Maanta kala Baxay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Ciidamo uu hogaaminayo Taliyaha qaybta Guud ee Booliiska Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John), ayaa goordhow Aqalka Dowladda Hoose ee Gobalka Banaadir kala baxay 3 qof oo katirsan Shaqaalaha Gobalka.

Dadkaan ay Ciidamada kala baxayn Xarunta Gobalka, oo qaarkood jirdil loo geestay sidoo kalane iyagoo jeebeysan gaari la saaray, ayaa waxaa ku jira ku xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee  Maamulka Gobalka Banaadir Nuur Axmed Cali.

Sidoo kale dadka la xiray ayaa mid kamid ah waxaa la sheegay in ay tahay qof dumar ah oo ka tirsan Shaqaalaha Gobalka Banaadir, sida ay goobjoogeyaal u sheegeen Caasimada Online.

Lama oga sababta loo xiray balse warar ayaa sheegaya in Nuur Axmed Cali uu diiday inuu xarunta ka baxo si looga fuliyo baaritaanno la xiriira qaraxii ka dhacay 24-kii July.

Nuur Axmed Cali, ku-xigeenka Agaasimaha Shaqada iyo Shaqaalaha ee Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sidoo kale ka tirsan Guddiga qaban qaabada Xil Wareejinta Guddoomiyaha cusub ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed “Finish”.