Dawlad Goboleedka Juboland Oo Go’aan Ka Gaadhay Xayiraadii Ay Saareen Masuuliyiinta Dawlada Federaalka Ah

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Golaha wasiirada Jubbaland oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Kismaayo ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka, siyaasadda, xiriirka mamaulkaas iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Kulankan oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha dib loo doortay ee Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday go’aakii uu maamulkaasi horay uga mamnuucay mas’uuliyiinta dowladdda, gaar ahaan golaha wasiirada inay tegaan magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Golaha wasiirada Jubbaland ayaa shaaciyey in haatan wixii ka dambeeya la qaaday xayiraadii saarneyd wasiirada Soomaaliya, islamarkaana ay tegi karaan magaaladaasi.

Jubbaland ayaa go’aankan qaadatay inta aysan dhicin doorashada maamulkaasi oo dhalisay in la doorto illaa saddex Madaxweyne.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in aysan aqoonsaneen natiijada ka soo baxday doorashooyinkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana sidoo kale jiray baaq ay soo saartay beesha caalamka, walow uu ku gacan seeray Axmed Madoobe.