Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Oo Qiray Shaqada Ay Qaranka U Hayso Gudida Qandaraasyada Qaranka jsl.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Gudida Qandaraasyada Qaranka jamhuuriyada Somaliland oo dardar galin weyn oo shaqo lagu sameeyey Mudadii ay jirtay Xukuumada Madaxweyne Biixi, ayaa Waxa is soo taraya Shaqsiyaadka iyo masuuliyiinta ka maragkacaya  Nidaamka shaqo iyo Cadaaladeed ee mudooyinkii u danbeeyey ay u shaqeynaysay gudida qandaraasyada qaranka Jsl oo uu gudoomiye u yahay mudane Nuux Maxamed Xuseen oo ah da’yarta aqoonyahanka ah ee dalka.

Waxaana Maanta Madashii Xaflada qalinjabinta kusoo qaaday shaqada ay Qaranka u hayso Gudida Qandaraasyada qaranka jsl  Barkhad jaamac Batuun oo kamida Saraakiisha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani islamarkaana ah Afhayeenka Xisbiga Waddani, Khudbada masuulkan oo u badnayd dhiirigalin iyo mahadnaq jaamacada iyo ardayda loo dabaal degayey ayaa sidoo kale ka hadlay haayadaha loo baahan yahay in si loo tayeeyo shaqadooda ay muhiim tahay in aqoonyahankan ka baxay jamaacadu ay ka hawlgalaan bulshada ugu shaqeeyaan aqoonta ay mudada ku tabcayeen.

Waxaanu Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ka Dhawaajiyey in gudida Qandaraasyada Qaranku tahay Haayad si Fiican ugu shaqeysa bulshada.

 

Maaha markii ugu horeysay ee Hay’ada Qaranka u Qaabilsan dhinaca mashaariicaha Qandaraas bixinta dalka lagu amaano madal uu  fadhiyo madaxweynaha jsl mudane Muuse Biixi cabdi iyadoo inta la ogyahay Nidmaaka ay ku bixiso Qandaraasyada kala  duwan ee qaranku yihiin kuwo si siman loogu baahiyo bulshada, loona galo Tartan ku dhisan Xaqsoor cadaaliya.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Barkhad Jaamac Batuun.