10 Wasiir oo Puntland ah iyo Badhasaabkii Somaliland oo Badhan Wada Jooga Maanta.

0

Hadhwadaad(Sool):-10 Wasiir oo Puntland ah iyo Badhasaabkii Somaliland oo Badhan Wada Jooga Maanta.

Magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, waxaa maanta gaadhay wafti ka kooban 10 wasiir, xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kaleoo Puntland ah.Ujeedka socdaalkooda ayaa la xidhiidha dhisidda golaha deegaanka degmada Badhan, kormeer iyo la kulmidda ciidamada

dhawaan kasoo wareeegay Somaliland.

Dhinaca kale waxaa Badhan ku sugan Badhasaabka Somaliland ee Badhan Maxamuud Xaamud Cumar oo dorraad xaflad

loogu sameeyey halkaasi.

Puntland ayaa xoogga saaraysa gobolka Sanaag, waxaana hadda bilkasta taga wufuud kala duwan.

Qaar kamid ah Taliyaashii ciidamada, Guddoomiyihii gobolka iyo Salshiggii Badhan ee Somaliland ayaa sannadkan kuwareegay Puntland.
Somalilandna waxay arrintan ku tilmaantay culeys ka degay, sida uu sheegey Taliyaha ciidamada Nuux Taani.