Maxaa Lagu Macneeyey Qorshaha Xubno Mucaarid ah iyo Eng Faysal Ku Sheegeen Raaligalin Ay Ka Bixiyeen Khudbadii Taliyaha Ciidanka Qaranka.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid faysal Cali Waraabe oo isagu Ah Masuul aan xilka xisbiga ka dhicin mudo 17 sano siyaasadiisuna tahay mid  isbadbadal badan ayna weheliyeen siyaasiyiin xukuumada wakhitgan ku Mucaarid ah ayaa kulan ay maanta magaalada hargaysa ku qabteen goob joogna ay ka ahaayeen siyaasiyiin iyo odoyaal tiro yar oo kasoo kala jeeda sanaag bari iyo sool, ayaa sheegay in ay bulshadan sanaag bari iyo sool ka raali galinayaan hadal dhawaan uu jeediyay taliyaha ciidanka qaranka somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani kaasi oo uu kaga hadlay Arimaha ciidanka iyo xaqiiqada ciidanka ka goostay Somaliland, kuna biiray maamul goboleedka punthland iyo arinta col caaraha ka falaagoobay ciidanka qaranka somaliland.

Hadaba hadal taliyaha ayaa waxaa si yaabo kala duwan uga faa,iidaystay siyaasiin iyo qaarkamida madax-dhaqameedka gobolada bari kuwaasi oo Uturjumay hadalka taliyaha in uu la hadlay beelo balse ujeedada iyo qorshaha ay wataan uu ka duwan yahay warka warbaahinta bulshada loo marinayo.

Kulankan ay maanta ku qabteen faysal cali waraabe ex wasiir cabdilaahi geel jire, goob joogna uu ka ahaa prof cali khaliif galaydh kana soo saareen bayaan ay raali galin ugu dirayaan beelaha bari ayaa shacabka reer somaliland siyaabo kala duwan ufahmeen kaasi oo banaanka ka keenay dareeno ka fog hadalka kasoo baxay iyo qorshayaasha shir beeleedyo ku lamaan kaasi oo xubnahani ay damacsan yihiin in ay qabtaan shirar ka hor imanaya qawaaniinta somaliland iyo hiigsiga hanaanka isdoorashada ee lagula kala wareego kursiga madaxwaynaha iyo kuxigeenkiisa,

Xogaha laga helayo qorshayaasha ku lamaan dhaqa dhaqaaqyada faysal cali waraae iyo cali khaliil ayaa lagu sheegay kuwa lagu maagan yahay sidii isxulafaysi siyaasadeed loogu abuuri lahaa beelaha bariga iyo qaaramid ah kuwa galbeedka iyadoo xubnahani ay damacsan yihiin qabashada shirwayne qaran oo lagu mijo xaabinayo xukuumada madaxwyne bixi.

Sidoo kale marka laga duulayo hadalka xukuumada ee ku aadan ciidamada ka goostay somaliland iyo xaal ka bixinta faysal cali waraabe iyo kooxaha weheliya ayaa noqday mid iswaydiinle

Siyaasiiyiintani ayay ka bixinayaan xaalka, yayse ka raaligalinayaan?

Hadii shacabka gobolada bari wax ka tirsadeen hadalkii taliyaha maxay xukuumada ula hadli waayeen! Hadiise taliyaha hadalkiisa reernimo wax lagaga bixinayo ma yihiin xubno ma tali kara arinkaa xagee arimuhu iskaga xidhmi waayeen!

Dhanka kale Waxa iyana fajac iyo amakaag bulshada ku noqotay ujeedada xubno ay isku jufo hoose yihiin madaxwayne muuse  biixi oo iyaguna ka dhex muuqday shirka faysal cali waraabe iyo kooxdiisu ay ku bartilmaameedsanayaan ciidanka qaranka oo ah xooga kaliye ee somaliland ku faanto halka ay duulaan kaga yihiin cadowda jamhuuriyada somaliland ee gudo iyo dibada isku bahaysta burburinta ciidanka qaranka jsl.

Xubnaha qoyska Madaxwayne biixi kasoo jeeda ee shirkan  lagu qabtay magaalada hargaysa ka dhex muuqday  ayaa kala ;

Maxamed Cabdi Daa,uud,

Maxamed Isxal

Odoy Ibraahim Abees

Iyo cali aw jaamac, wallow aanay goobta ka hadal iyadoo ololaha xubnahan iyo ujeedada keentay in ay qayb ka noqdaan duulaanka ku jihaysan taliyaha ciidanka qaranka oo iyana abuurtay dareeno kale oo shaki iyo xogo kale xanbaarsan balse aan wali cadaanin cida ay shirkan ku matalayeen ee daaha dabadiisa ku qarsoon.

Sikastaba ha ahaatee waxaa  laga war sugi doonaa halka uu salka dhigto fudaydka faysal cali waraabe iyo danaha dhagaraysan ee ku lamaan iyo ka faa,iidaysiga siyaasiyiinta xukuumada ku macaaridka ah ee iyagu ku guul daraystay in ay si caadiya shacabka ugu soo tabiyaan galdaloolooyinka xukuumada, balse ka door biday durmaanka qabiilka ee mucaaridadaysan.

Hargeisa Somaliland.