Tirada Dad Ku Dhintay Iyo Kuwo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Qarax ayaa ka dhacay Maanta koontorool ay Ciidammada Booliska Soomaaliya ku leeyihiin Ex-Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxaa ka dhashay khasaare dad iyo Duunyo isugu jira.

Qaraxan oo loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey oo ahaa Gaadiidka loo yaqaano Noohada, ayaa ka dhacay Kaantaroolka ay Ciidammadu taagnaayeen, ka dib markii laga hor istaagay inay ka gudbaan.

Sida la sheegay Qaraxa ayaa waxa ku dhintay Laba Qof oo midkood yahay Ninkii waday gaadhiga Qarxay, waxaana ku dhaawacmay 7 Qof oo lix yihiin Shacab, midna yahay Askari ka mid ah kuwii joogay Kaantaroolka uu Qaraxu ka dhacay.

“Tirada Dhimashadu waa 2 Qof oo Shacab ah, waxa dhaawac ah Askarigii is hor taagay Dhagar-qabayaasha iyo Lix Shacab ah oo meelahan ka dhawaa ayaa dhaawac ah…” ayuu yidhi Masuul ka mid ah Maamulka Gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay, waxaanu intaa ku daray “Ciidanka waan uga Mahad-celinayaa siday mar walba uga hor tagaan falalka Argagixisada raba inay Amniga Magaaladan dhibaato u geystaan..”