Ururka Mareegaha Somaliland oo si adag u Cambaareeyey Xayiraadda la Saaray Hadhwanaagnews

0
The three-dimensional word "news"

Xoghayaha Ururka Mareegaha Somaliland ee SOMA (Somaliland Online Media Association), ayaa si adag u cambaareeyey Xayiraad ay Maxkamadda gobolka Maroodijeex maanta saartay Shabakadda Hadhwanaagnews oo uu dacwad aan weli la gudagelin ka gudbiyey Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland.

War-saxaafadeedka ka soo baxay Ururka Shsbakadaha Somaliland oo uu ku saxeexnaa Xoghayaha guud ee Ururkaas Saleebaan Cabdi Cali (Kalshaale), oo nuqul ka mid ahi caawa soo gaadhay aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Ururka Mareegaha Somaliland wuxuu si adag u cambaareynayaa amarka xayiraada ah ee ay Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex soo saartay September 3/2019, kaasoo ay ku soo rogtay Shebekadda Wararka ee Hadhwanaag News, waxaanu u arkaa talaabo si badheedh ah loo gees maray Dastuurka JSL iyo xeerarka ka farcamay ee waajibiyey ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo xoriyada hadalka, sidoo kalena ka hor imanaysa Xeerarka Caalamiga ah ee xuquuqal-iinsaanka iyo mabaadi’da Saxaafadda.

Ururka SOMA isagoo ka walaacsan amarka Maxkamada ee , tirsigiisu yahay MGH/DDL/1107/2019, kuna saxeexan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Cabdi Qowdhan Cabdi, laguna socodsiiyey Shirkaddaha bixiya adeegga Internet-ka, waxa uu ugu baaqayaa, Xukuumadda Somaliland, Guddida Cadaalada ee heer Qaran, Komishanka Xuquuqal-iinsanka Qaranka, Golaha Wakiillada iyo Hay’addaha kale Dalka ee arrintani khusayso inay faro-gelin ku sameeyaan qarraarkan ka soo baxay Maxkamadda oo lagu soo dabaalo dariiq cadaaladdeed oo waafaqsan shuruucda dalka.

Waxa kale oo aanu Shirkaddaha Isgaadhsiinta ee bixiya adeegga Internet-ka ka codsanaynaa in fulinta amarkan aanay ku deg degin, isla markaana iyagoo ilaalinaya masuuliyada ka saaran ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta dalka oo dhan iyo mida gaar ahaaneed ee xidhiidhka ka dhexeeya Warbaahinta in aanay qayb ka noqon dhaqan-galka go’aanka sharci darrada ah ee lagula kacay mid kamida Hay’addaha Saxaafadda Somaliland, waxaanan u muujinaynaa in aan amarka Maxkamadu ahayn mid ka soo baxay dhegeysi dacwaddeed ee uu yahay mid lagu fulinayo rabitaan masuul xil u haya umadda.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex waxaan u soo jeedinaynaa in uu ku soo laabto xayndaabka cadaalada, kana laabto amarka fool-eriga ah ee uu ku docwareemay, Shuruucda dalka iyo Milgaha Garsoorka.

Ugu dambeyn, Ururka Mareegaha Somaliland waxa uu ka digayaa, in ay masuuliyiinta Dawladdu ku xad-gudbaan Suxufiyiinta iyo Hay’addaha Saxaafadda, kuna takri-falaan xilalka Qaranka, taasoo maanta ah arrin qariib ah, haddii ay sii socotana natiijaddeeda aan la mahadin doonin.”