Wasiirka Warfaafinta oo Abaalmarin Guddoon Siiyey Afar Shaqaale ah oo Karti iyo Dedaal Muujiyey

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somalland Md. Maxamed Muuse Diiriye oo uu weheliyey Agaasimaha Guud Mukhaar Maxamed Cali ayaa maanta shahaado sharaf iyo qadar lacageed ku abaalmariyey afar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda oo loo aqoonsaday inay karti iyo dedaal weyn sameeyeen.

Hawlwadeennadan waxa kaalinta koowaad u galay Sidiiq Ismaaciil Axmed, Kaalinta labaad waxa gashay Aamina Ibraahim Maxamed,  halka kaalinta saddexaadna ay wada galeen Axmed Ismaaciil  Xasan (Bucul) iyo Caydaruus Cismaan Axmed.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md. Mukhtaar Maxamed Cali ayaa sheegay in shaqaalahani loo aqoonsaday inay karti iyo dedaal badan sameeyeen lixdii bilood ee ugu horreeyey sannadkan, waxaanu ballanqaaday inay abaalmarinta shaqaalaha sii wadi doonaan.

Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somalland Md. Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in shaqaalaha wasaaradda la doonayo inay wax-soosaarkooda kor u qaadaan isla markaana ay diyaar ula yihiin in ciddii shaqadeeda ka soo baxda ay abaalmariyaan. Waxaanu  ammaanay afartaas shaqaalaha ah ee abaalmarinta la gudoonsiiyey.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay Agaasimeyaasha Telefishanka Qaranka iyo Shaqaalaha oo ka warramay ahmiyada abaalmarintaasi ugu fadhido shaqaalaha iyo niyadsamaantooda.