Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Oo Si Kulul U Canbaareeyey Xadhiga Telefishan Kamida Kuwa Madaxa Banaan.

0

Hadhwadaagnews(Hargeisa):-Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Ayaa ka hadlay xadhiga ay xukuumadu kula kacday Tvga Madaxa banaan ee Horyaal Tv kaasi oo ay caawa fiidkii Albaabada Ulaabeen Ciidamada Boolisku,

War-saxafadeed kasoo baxay Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa faah faahin Lagaga bixiyay dhacdada loo haysto Tvgan iyo dadaalada ay ka galeen Sidii xal looga gaadhi iyagoo ka wada shaqaynayay xukuumada iyo laamaheeda kala duwan ee ay dhacdadan khusaysay,

NUQUL KAMID AH WAR-SAXAFADEEDKA UU SOO SAARAY URURKA SOLJA OO NUQUL KAMID AHi SOO GAADHAY XAFIISKA WAR QABADKA EE SHABAKADA WARARKA EE WAJAALENEWS,NET AYAA UDHIGNAA SIDA;

Ururka Suxufiyiinta Somaliland isagoo ka duulaya Dastuurka Qaranka Somaliland, Xeerka Saxaafadda iyo Dastuurka SOLJA marnaba ma taageerayo wax kasta oo wax u dhimaya shareecada islaamka iyo Dhaqanka suuban ee reer Somaliland.

Ururka SOLJA, waxa uu si adag uga hawl-galay joojinta Barnaamijkii Telefishanka Horyaal sii daayay xayaysiiskii uu Hordhaca uga dhigay, kaasoo ay bulshada reer Somaliland u Aragtay mid xad-gudub ku ahaa Haweenka Somaliland.

Sidoo kale, ururka waxa uu maamulka Telefishanka ka dalbaday in uu raaligalin ka bixiyo Barnaanijkaasi maadaama xeerka Saxaafadda Somaliland ku waajibinayo warbaahinta Somaliland wixii khalad ah ee ka dhaca inay ka garaabaan oo saxaan.

Ururka SOLJA, wuxuu kala shaqeeyay hay’addaha Qaranka ee dhacdadani khusayso sida Diinta iyo Aw-qaafta iyo Booliiskaba sidii loo soo af-jari lahaa arrintan ee cida ay khusayso loogala xisaabtami lahaa.

Hase yeeshee, waxa aanu ururku SOLJA marnaba Aqbali karin in Hay’ad warbaahineed Xukuumaddu iska xidho iyadoon laga Garsoorin dhacdada lagu eedaynayo warbaahintaasi oo aanu xukun kama danbays ahi ka soo bixin.

SOLJA, waxay mar walba u maraysaa difaaca suxufiyiinta iyo Hay’addaha warbaahinta nimaadka sharciga ah iyo talaabo kasta oo loo arko in lagu xalin karo gefka laga tirsanayo Suxufiyiinta iyo hay’addaha Warbaahinta.

Ururka SOLJA, Waxa uu Xukuumadda Kula Talinayaa in ay ka Dheeraato talaabo kasta oo ay u qaado Nidaam Aan Sharci ahayn, isla markaana ku fuliso awood aan waafaqsanayn sharciga dalka u yaala.

SOLJA, waxay hay’addaha warbaahinta iyo suxufiyiinta ka hawl Gala ba ugu baaqaysaa inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimaya sharafta, karaamada iyo wadajirka bulshada reer Somaliland, si aanay ugu mutaysan ciqaabta ka dhalan karta dhibaatada ay baahintoodu samayso

Guddoomiyaha SOLJA.

Maxamuud Cabdi Jaamac