Hay’adda Y-PEER oo laascaanood ka bilowday wacyi-gelinta Xanuunka HIV Aids-ka

0
Hay’adda Y-PEER oo laascaanood ka bilowday wacyi-gelinta Xanuunka HIV Aids-ka

Agaasimaha Hay’adda Y-peer oo ka hadlay kulan ay ku qabteen Jaamacada Nugaal ee Laascaanood

Agaasimaha fulinta ee Hay’adda Waddaniga ah ee Y-PEER, Maamulka Jaamacada Nugaal, Arday iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa ka qaybgalay kulan wacyi-gelin ah oo ay Hay’addaasi ku qabatay hoolka Shirarka ee Jaamacadda Nugaal ee Magaalada Laascaanood.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii da’yarta looga wacyi-gelin lahaa khatarta Xannuunnada fida ee uu kamd yahay H.I.V-gu, dhalinyarada ka barata Jaamacaduhuna uga qayb-qaadan lahaayeen wacyi-gelintaasi iyo in la helo xog uruurin ku saabsan fahamka bulshada la dhaqanka Dadka uu asiibay xannuunkaasi, ayaa intii uu socday waxa ay ka qaybgaleyaashu ku wadaageen fikrado kala duwan oo ku saabsan sida looga hortegi karo xanuunnada halista ah, loogana xakamayn karo bulshada iyo muhiimada ay leedahay ilaalinta xuquuqda dadka la nool.

Agaasimaha Hay’adda Y-peer Maxamed Mahad Dhamac oo furitaankii shirkaasi ka hadlay ayaa faahfaahin dheer ka bixiyey ujeeddada urur ahaan ay u soo agaasimeen kulankan iyo qorsheyaasha ku lamaan.

“Barmaamujkani waa mid bilow ah oo aanu ka bilownay Gobolka Sool, waxaan aad ugu mahad-naqaynaa Jaamacada Nugaal oo nala bilowday, kolayna meelo kalena waa ku qabanaynaa”ayuu Maxamed Mahad.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxaanu uga gol leenahay in aanu dhalinyarada ku baraarujino in ay waxa maskaxdooda ku jira ula wadaagi lahaayeen bulshada, waxaanu uga gol leenahay in kulamo kale oo lagu soo bandhigayo mawduucyo kan ka duwan la qabto”.

Maxamuud Cabdiraxmaan oo ah Wakiilka Hay’adda Y-peer ee Gobolka Sool iyo xubno kamida Maamulka, macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata jaamacadaasi oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa siyaabo kala duwan u iftiimiyey muhiimada uu kulankani leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in ay dhalinyaradu ka faa’idaysato oo ay uga amba-qaado sidii ay dadkooda uga wacyigelin lahaayeen cudurka halista badan.

Xubno kamida bahda Caafimaadka ee Gobolka Sool iyo Ardayda dhigata kulliyadaha dhanka caafimaadka, ayaa si gaar ah isu dul-taagay qaababka loo kala qaado xannuunkaasi iyo marxalada uu maro, waxaanay dhamaantood tilmaameen in cudurkan saameyntiisa lagaga badbaado ka hortag iyo in laga foojignaado waxyaabaha lagu kala qaado oo ay kamid tahay galmada xaaraanta ah.

Halkan ka Daawo Warbixin Muuqaal ah:

Hay’adda Y-peer ayaa kamida Ururrada waddaniga ah ee doorka weyn ka qaata horumarinta iyo dhiiri-gelinta dhalinyarada hal abuurka leh iyo arrimaha kale ee samo-falka ah, waxaanay wada shaqayn kala leedahay Xafiisyada dawladda iyo Hay’addaha kale ee caalamiga ah.