Maxay Daaranyihiin Kulamada Uu Madaxweyne Biixi la Qaadanayo Shacabka Gobolka Awdal.

0

Hadhwadaag(Borama):-Madaxweynaha jsl Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Maanta ka qayb galay Xaflada qalinjabinta jaamacada Camuud, Ayaaa Caawa shirar iyo Kulmo gooni gooni ah la qaadanaya qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka awdal, 

Nuxurka Kulamada oo Wax yar uun Ka hor uu madaxweynuhu galay shir ay fooda isku darayaan Madax-dhaqameedka, salaadiinta iyo odaaysha Gobolka awdal ayaa la xidhiidha tabashooyin is barkan oo Sanadihii u danbeeyeyba ka taagnaa gobolka awdal.

Waxaana Qodobada ugu Muhiimsan ee la filayo inay madaxweynaha hor dhigaan islamarkaana ay ka wadahadlaan yahay Qodobka Saami Qaybsiga  Kuraasta Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, Iyo Sidoo kale Xubnaha u Matalaya Xukuumada Madaxweyne biixi oo saluug badan ay ka qabaan bulshada reer awdal, iyadoo ay  warar kala duwan oo ay warbaahinta kula hadleena ku sheegay in Wasaaradaha kala duwan ee Dalka kuwii ugu muhiimsanaa aaney Bulshada gobolka awdal waxba ku lahayn.

Sidaa darteedna ay muhiim tahay in madaxweyne biixi dib ugu noqdo xulashadiisa dhinaca siyaasiyiinta gobolka u Matala iyo Mansabka xilalka ay ku matalayaan bulshada Gobolka awdalba oo iyagana saluug badani ka jiro.

Maaha Markii ugu horeysay ee kulamada noocan oo kale ah uu la qaato Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Bulshada gobolka awdal iyadoo ay jireen kulamo hore uu si fool-ka fool ay madaxweyne biixi isu waajaheen Salaadiinta iyo Odayaasha Gobolka Awdal munaasibadii tan ka horeysay ee madaxweynuhu kagaga qayb galay Xaflada Qalinjabinta Jaamacada Camuud iyo Shirkii Xisbiga Kulmiye Ku Qabsaday Xarunta Gobollka Awdal ee Borama.

Safarkan Madaxweyne Biixi ku tagay Xarunta gobolka awdal magaalo madaxdiisa borama ayaa kusoo beegmaya xili ay Shirkar kala duwan oo ay warbaahinta ka hadleen Qaar kamida siyaasiyiinta gobolka awdal iyo madaxda dhaqankuba, kuwaas oo si isku mid ah u wada carab dhabay inay jirto tabashooyin dhegaha laga furaystay oo aaney ilaa hadda wax ka qaban xukuumadihii kala danbeeyey kuwaas oo la xidhiidh saamiqaybsiga kuraasta golaasha qaranka iyo Xukuumadaba.

Shacabka Somaliland Ayaa Si weyn ugu dhegtaagaya Nuxurka kasoo bixi doona Shirarka Madaxweyne Biixi uu Caawa kula yeelanayo madaxda Salaadiinta iyo Haldoorka Bulshada gobolka awdal oo caawa u bilowday fiidkii hore.

Ilo Wareedyo ka ag-dhow ayaa Noo Xaqiijiyey in Shirkan Madaxweynuhu la yeelanayo Salaadiinta Odayaasha iyo Culimada Gobolka awdal ay iyaguna ku wehelinayaan Xubnaha Xukuumada u matala Gobolka Awdal qaar kamida wasiirada, Waxaana Shirkan Sidoo kale Dibad Joog ka ah Gabi ahaanba Warbaahinta Kala duwan oo aan iyaga loo ogolayn inay galaaan.