Madaxweyne Biixi Oo Shacabka Gabiley Kula Dardaarmay Inaaney waayin Xuquuqdoda Dawlada, Xilli Aanu Wali Jawaab Ka Bixin Tabashada Saami Qaybsiga Awdal.

0

Hadhwadaag(Gabiley):-Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Oo Ka Qayb galay xafladaha Qalin jabinaha ardayda Jaamacadaha Camuud oo Shalay ka dhacday xarunta gobolka awdal iyo Jaamacada Timacade oo maanta ka dhacday Gobolka Gabiley Ayaa labada Munaasibadoodba ka jeediyey Khudbado kala duwan oo midwalba ku salaysan duruufaha yaala deegaanka uu hadba ku sugnaa, dhinac marka aad ka eegtana waxay hadalada madaxweynuhu ka midaysnaayeen waanada iyo dhiirigalinta dhalinta qalinjabinaysa,

Ka Sakow ka Qayb galka madaxweynaha ee xafladahan waxaa barbar socotay Kulamo uu la yeeshay habeenimadii xalay Odyaasha Dhaqan iyo Waayeelka Gobolka awdal, halka uu Caawa oo uu ku sugan yahay gobolka gabileyna la qaatay kulamo Madaxda dhaqanka iyo odayaasha gabiley.

Ujeedooyinka Shirarkan oo ka duulaya tabashooyinka bulshada ayaa Madax dhaqameedka gobolka awdal ay Qodobada ugu Muhiimsan ee ay hordhigeen madaxweynaha uu ahaa Arrinta Saami Qaybsiga Kuraasta golaha wakiilada iyo Xukuumadaba, Waxaana madaxweynah markii ay siiyeen nuxurka warkooda odayaasha gobolka awdal uu madaxweyne biixi ka cudur daartay inaanu hadda diyaar u ahayn arrintaasi inuu kala hadlo sidaa darteedna loo balamo wakhti kale oo lagu gorfeeyo arrintaa saami qaybsiga, maadaama uu madaxweynuhu wakhtigan u yimid awdal ka qayb galka xaflada jaamacada camuud.

Intaasi kadib waxaa uu Madaxweynuhu saaka usoo baqoolay Xarunta gobolka gabiley oo iyana kagaga qayb galay Xaflada Jaamacada, Kadiba khudbadihii kala duwanaa ee laga jeediyey madasha jaamacada gabiley waxaa gabogabadii hadalka soo afmeeray madaxweyne Biixi Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa oo uu ka jeediyey madasha ayaa u badnayd dheerigalinta ardayda iyo weedho si toosa ugu socoday bulshada gobolka gabiley taas oo qaar kamida kalmadaha madaxweynuhu noqonayeen dhiirigalin uu ku dhiirigalinayo in maadaama uu yahay madaxweynuhu masuul kasoo jeeda gobolka gabiley aaney xaqooda iyo Saami Qaybsigooda ku waayin bulshada gabiley madaxweyne reerkiina ah ayaa talada dalka haya.

Madaxweyne Biixi ayaa Ugu Horeyn hadalkiisa Ku Bilaabay tusaale uu u usoo qaatay masuul kamida Bulshada Gabiley oo fariin u Diray uu kagaga codsanayey inuu madaxweynuhu kala soo qayb galo xaflada qalijabinta jaamacada gabiley.

Waxaanu Yidhi:-“Ninbaa fariin iisoo diray ‘Massege ah’ Wuxu yidhi waxanu nahay ardaydii jaamacada gabiley iyo dadweynaha gabiley, isagoo aad isku dhuubaya oo ereyo badan leh, Wakhti badan kaa qaadimayno, ku dhibimayno,madaxweyne waan isku filanahay markaad tagayso jaamacada camuud ama aad kasoo noqonayso nusasaace waanu qalinjabinaynaaye hadaad kari karto nagu soo leexo,….. Horta waxan idiin sheegayaa gobolka kasta oo uu joogo arday kasta muwaadin kasta iyo jaamacad kasta waa isku xuquuq,haddii uu laascaanood joogo iyo haddii uu joogo saylac iyo gabileyba, dadku waa isku xuquuq waa loo siman yahay madaxtooyada qaranka, midna waa ku mahadsantihii hadaad is tidhaahdaan madaxweynaha xagiina u tiraya oo is dhawra waad ku mahadsantihiin, laakiin xaqiina haku seegina…. Khudbadan madaxweynaha oo aad u dheerday ayuu kusoo gunaanaday in ay bulshada gobolka gabiley ku mahadsanyihiin is dhawritaanka, maadaama uu madaxweyenuhu yahay masuul kasoo jeeda deegaankoooda, haddii uu khaldamana ay noqondaan kuwo ugu horeeya ee runta u sheega, haddii laga gardaran yahayna ay noqodaan bulshada gabiley kuwa ugu danbeeya ee difaacaya.”

Intaasi marka aynu kagaga nimaadno khudbada madaxweynaha ee uu ka jeediyey jaamacada, waxaa uu caawa fiidkii kulan la qaatay odayaasha iyo madaxda dhaqanka gobolka gabiley, ujeedada ugu muhiimsaneyd ee madaxweynaha ay kala hadleen odayaashani ayaa sida ay dad ku sugnaa goobtu noo xaqiijiyeen in qodobada ay hordhigeen ay  ahaayeen fulinta balanqaadyaddii uu madaxweynuhu qaaday wakhtigii ololaha doorashada oo ay ugu horeyso  Hirgalinta gobolnimada gabiley sidii ay u heli lahayd xaqii gobolku ku lahaa dawlada. Iyo arrinta ganacsataddii dabku ku baabiyey magaalada wajaale oo wixii ay xukuumadu hore ugu balanqaaday ay wali maqan tahay, Waxaana ilo wareedyada aanu helaynaa tibaaxeen inuu madaxweynuhu aamus kagaga jawaabay arrinta gobolnimada gabiley halka arrinta ganacsatada wajaalena uu dood dheer kala yeeshay wakhtiga ay wada qaateena ahaa mid kooban wallow aanan wada helin xog dhamaystiran.

 

Falanqeynta hadaba Khudbadahan iyo Kulamadan Madaxweynaha ayaa Bulshada sida aadka ah ula socodaa ku macneeyeen kuwo ujeedooyin badan leh oo marka laga eego dhinaca siyaasiga noqonaya arrimo qori isugu dhiib ah.

Iyadoo Fasiraada Khudbadii madaxweynahu ka jeediyey maanta jaamacada gabiley  marka la eego noqonaysa mid nuxurkeedu yahay in shacabka gabileyna ay iyana dhankooda soo bandhigaan wixii tabasho ah ee ay ka Qabaan Xukuumada.

Taas oo foodsaare dabar ah u noqon karta Tabashada mudada dheer soosocotay ee gobolka awdal oo in badan ku celceliyey arrinta saami qaybsiga Kuraasta.

Isku Soo duuduuboo Bulshada Somaliland ayaa u dhegtaagaya sida uu isku waafajiyo madaxweyne biixi xaaladaha bulshada kala duwan ee gobolada dalka oo qaarkood qabaan tabashooyin la xidhiidha dhinacyada siyaasada saami qaybsiga, iyo arrinta gobolnimoba.