Tirada Askarta Ciidamada Amisom Ee Dagaallada Al-Shaabab Lagu Dilay Oo Lasoo Bandhigay.

0

Warbixin cusub oo uu soo saaray Khabiir u dhashay Maraykanka, kuna takhasusay Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa lagu muujiyey in 1,800 Askar ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM lagu dilay Dagaalladaasi tan iyo sannadkii 2007-dii.

Professor Paul Williams oo baaritaankiisa saldhig uga dhigay illaa Shan arrimood oo ay ugu horeyso Dukumiintiyada lacagaha magdhowga ah ee la siiyey qoysaska la dilay ee Ciidamada AMISOM tan sanadkii 2007.

Professor Paul Williams oo Arrimaha Caalamiga ka dhiga Jaamacadda George Washington University waxa uu Tiro-koobka khasaaraha soo gaadhay Askarta AMISOM muddadii u dhexeysay bishii March ee sannadkii 2007-dii ilaa bishii December sannadkii hore ee 2018-kii ku sheegay inay u dhexeysay 1,483 Askari ilaa 1,884 Askari oo la dilay.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay tirada intaas ka badan karto, wuxuuna soo xiganayey Liiska Magacyada iyo darajada Ciidamada AMISOM ee lagu dhajiyey darbiga Midowga Africa ee Magaalada Adis Ababa kuwaas oo lagu dilay Howlgalada Midowga Africa ee Wadamada  Burundi, Afrikada Dhexe, South Sudan iyo weliba Somalia.

Valueimpression Placeholder

Wuxuu sheegay inaan si rasmi ah loo ogaan karin tirada Ciidamada AMISOM ee lagu dilay Soomaaliya maadaama illaa hadda aysan Dowladaha Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya aysan usoo bandhigin tirada ciidamada looga dilay Soomaaliya.

Prof. Williams ayaa sheegay in bishii Agosto ee sanadkan 2019 in Darbiga Xarunta Midowga Afrika lagu qoray magacyada illaa 1,108 oo ah askarta lagu dilay Soomaaliya.

Warbixinada Maaliyadeed ee Midowga Afrika laga helay inta u dhaxeysa 2014 iyo 2018 waxay muujinayaan in Midowga Afrika ay bixisay lacag gaareysa 74.6 Milyan oo ah magdhawga Askarta la dilay.

Professor Paul Williams ayaa warbixintaan kusoo bandhigay  Machadka Caalamiga ah ee Nabadda ee New York , wuxuuna AMISOM ku eedeeyey inaysan warbaahinta la wadaagin khasaaraha soo gaaray Ciidamadooda taasina ay fursad weyn siisay Al-Shabaab oo soo gudbiya tiro aan la hubin in laga dilay AMISOM sida uu hadalka u dhigay.