Madaxweynaha Somaliland Iyo Wefti Uu Hogaaminaayo Oo Ku Wajahan Magaalada Burco,Iyo U Jeedka Safarkiisa.

0

Hadhwadaag(Burco):-Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa La Filayaa Inuu Maalinta Beri Soo Gaadho Magaalada Burco, Madaxweynaha Ayaa Xadhiga Ka Jari Doona Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgeliyo Gobolkaasi,Sidoo Kale Madaxweynaha Ayaa Ka Qayb Geli Doona Xaflada Qalin Jebinta Jaamacada Weyn Ee Magaalada Burco

Masuuliyiinta Gobolka Togdheer Ayaa Wada Qorshe Balaadhan Oo Loogu Gogol Xaadhaayo Soo Dhoweynta Madaxweynaha,Waxaanay Bilaaben Dayactirka Wadooyinka Magaalada Sidoo Kale Waxay Kormeer Ku Tageen Garoonka Kubada Cagta Alamzey Stadium Oo La Filaayo Inuu Madaxweynuhu Xadhiga Ka Jaro
Sawirka Abdirahiin Ahmed Mahdi.

Sawirka Abdirahiin Ahmed Mahdi.
Ardayda Wax Ka Barata Jaamacada Magaalada Burco Ayaa Sanadkii Hore Cabasho Ka Muujiyey Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Baaqday Inuu Kasoo Qayb Galo Qalin Jebinta Ardayda,
Madaxweynaha Iyo Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminaayo Ayaa La Filaya Inay Magaalada Burco Ku Sugnaadan Mudo Laba Laba Cisho Ah,Waxaanu Dhagax Dhigi Doona Mashaariic Horumarineed Oo Laga Hirgelinaayo Gobolka