Dhegaysiga Maxkamaddii Saaka!…W/Q:-Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac

0

Maxkamaddii saaka!

Saaka wax aan u kallahay, si aan uga mid noqdo, dhegaystayaasha dacwadda rafcaanle Abdilmalik Musa Coldoon. Saaxiibkay garyaqaan Mubaarig, ayaan sii raacay, oo ah qareenka difaacayay rafcaanlaha. Abbaaro 9kii oo wax yar la’ ayaannu maxkamadda galnay.

1- Hoolka maxkamadda:

Waa hool aan aad u weynayn. Wax uu lee yahay, miiskii garsoorayaasha, iyo kii qareennadaba. Sidoo kale kuraas ay dadku ku fadhiistaan, oo 3 layn ah baa yaallay. Sidaas oo ay tahay, haddana waxa ka dhiman agabkii muhiimka u ahaa dhegaysiga dacwadda. Ma laha, cod baahiye, ay qareennadu ku hadlaan, si loo wada dhegaysto, maadaama ay maxkamad furan tahay. Taasi wax ay keentay, in aannu waxba ka maqli wayno, codkii dadka dibadda tubnaa, oo tashuush geliyay, xitaa garsoorihii. Sidoo kale ma laha, cod duube, hadhow la ga dhegaysan karo, wixii la sheegay. Inan baa gacantu daashay, oo wax walba qoraysay. Nidaamka noocaas ah oo qarniyadii tegay la gu shaqayn jiray, wax uu wiiqayaa, in la helo caddaalad sugan. Hoolkaas waxa dhaliil ugu filan, in dadkii ay ku kululaadeen, dabadeed garsoorihii dalbaday, in marawaxadaha la siraado. Saa, laydh ba ma joogo. Garsoorihii ku lahaa “laydhkii baa na ga maqan e, ciddii kululaatay, ha iska baxdo”

2- Garsoorihii:

Inyar markii aannu hoolka ku jirnay, ayaa albaabka danbe waxa ka soo galay, garsoorihii. Waa oday da’ ah, oo gedihii 68-75 jir ah. Cid garsooraha u istaagtay, ma jirin. Isaga, oo aan si fiican u fadhiisan ayuu yidhi maxkamaddu way furan tahay. Si degdeg ahna, u yeedhiyay magacyada qareennada iyo rafcaanlahaba. Aqoontiisa sharci, waxba kama sheegi karo, waxa se aad u badnayd, dardhaafnimada aan sharcigu oggolayn ee uu u geysanayay qareennada rafcaanlaha. “Ii dhakhsada”, “soo gaabiya”, ” adeer ha i wareerinina”, “wakhtiga ha iga luminina” dhammaan erayadaas oo xanaaq badani ku jiro, ayuu dhowr jeer ku yidhi, Mubaarig iyo Mandeela, oo difaacayay rafcaanlaha.

Sidoo kale garsooruhu ma uu fahmi karayn FACEBOOK iyo wax la xidhiidha toona. Kiiska coldoonna waa Facebook iyo baabah. Waxa qosol lahayd, markii la isku qabsaday, qoraalkaas Cabdimaalig ma qorin, ee waa la gu soo tag gareeyay iyo wuu qoray! Garsoorihii ku lahaa “Anigu markab la taag gareeyo, uun baan aqaanay, ee taagtan la sheegayaba, garan maayo!”

Qareen Mubaaarig ayaa maxkamadda ka hor sheegay, in ay tahay maalintii u danbaysay ee uu halkan ka doodi doono, inta ay Somaliland hagaagayso. Erayadaas garsuuruhu tixgelin muu siinin. Qareen ruqsad sharci haysta, oo garsoorihii dacwadda qaadayay ka hor leh, waa maalintii iigu kaa danbaysay, runtii damiirka qof walba way taabanaysaa. Umaddaha kale na halkaas dareen bay ka muujin lahayeen.

3- Xeer ilaaliyaha:

Xeer ilaalintu waa haayad qaran, oo cid kaste u dhex ah. Wakiilka se metelayay, ee ayidsanaa go’aankii maxkamadda hoose ku ridday rafcaanlaha, wax uu u eekaa, nin ay Coldoon suuqa isku soo dhex laayeen. Dhammaan xuquuqda muwaadinkaas eedaymaha loo haysto, ee haddana loo xukumay, distoorku u jideeyay, ma uu siinayn. Isaga oo og in uu Coldoon weriye yahay, haystana ruqsad sharci oo shaqaynaysa, ayuu lahaa: ” ninkan ay u doodayaan, saxafi buu sheegtaa”. Deelqaafka noocaas ah, qareennadu way diideen, balse garsooruhu ma qaban xeer ilaaliyaha, ee dhowr jeer buu kusii celceliyay. Marka uu sidaas lee yahay, waxa uu inyar kadib akhrinayaa, qodobbo xeerka saxaafadda ka mid ah, oo uu lee yahay, waxa ay qabanayaan, ninkii uu lahaa saxafi buu sheegtaa!

4-Eedda Cabdi Maalik loo haysto.

Taas ku noqon maayo, oo hore ayaa loo ga dhergay. Abaarso, ayaad ceebayn ku samaysay. Abaarso, ayaad warar been ah ka faafisay. Iyo qaranka ayaad dhib u geysatay (taliskani tubtii buu hayaa, talisyadii hoogay”. Intaas weeye eeddu. Xukun 3 sanno iyo badh ahna, waa dhacay.

5- Coldoon:

Fursad baa la siiyay rafcaanle Coldoon. Waxa aad maxkamadda ka codsanayso sheeg baa la yidhi. “anigu denbi ma samayn, in aan afduubannahay baanan aaminsan ahay. Sifo sharci darro ah ayaa la igu haystaa. Cid baana si gaar ah iiga aargoosanaysa, oo ciil ii qabta” ayuu yidhi. “sidaas daraaddeed wax aan codsanayaa, in aad i fasaxdid oo aan halkaas ka baxo”

Waxa kale oo aan dhegahayga, ku maqlaaayey, aadna ii taabatay, markii maxkamaddu xidhantay, kiiskiina xukun loo diray, ayuu xeer ilaaliyihii Cabdimaalik soo ag maray, dabadeed Coldoon baa ku yidhi:”adiga, waa innoo qiyaamaha. Illaahay wax aan ka baryayaa, in uu musiibo degdeg ah kaa muujiyo” Xeer ilaaliyuhu erayadaas wuu ku qoslay. Aniga se runtii aad bay i taabteen. Waayo, wax kaste oo kale waan ka tegi lahaa, laakiin qoraal la gu TAG gareeyay, eedaysanahaas, oo qof kaste oo Fb isticmaalaa garanayo anigu illaahay iyo umadda midna la ma hor istaageen. Ogow, xeer ilaaliyuhu nin dhallinyaro ah buu ahaa.

6- Guntii:

Anigu qareen Somaliland ruqsad shaqo ka haysta, ma ihi, haddii aan ka haysan lahaana, sidaas saaxiibkay Mubaarig saaka yeellay baan yeeli lahaa. Ugu danbayn, si kaste, oo aannan hannaanka dhegaysiga dacwadda ugu faraxsanayn, haddana aqoontayda sharci waxa ay i siinaysaa, dacwad la dhegaystay oo xukun loo diray, in aanan xukunkeeda ka hordhicin. Caddaaladduna cid walba waa u dan.

Axmed-Khaliif Maxamed X Jaamac
Hargeysa,18/9/2019.