Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Saxafigii Saddexaad Oo Ka Hawl Gala Shabakada Hadhwanaag

0

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay habeenkii xalay aheyd ay xabsiga dhigeen saxafigii saddexaad oo ka hawl gala shabakada Hadhwanaag.

Waryahan oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Sheekh ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ciidamadu ay xalay ka soo xidheen gurigiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa

Sidoo kale xukuumada ayaa hore xabsiga u dhigtay laba saxafi oo ka hawl gala shabakadan oo kala ah Cabdirisaaq Good iyo Cabdiqani Asparo  oo xidhan muddo 7 ka badan.