Siyaasiga Eng Xuseen Aadan Cige Oo Madaxweynaha Usoo Jeediyey In Wasaaradaha Qaarkood Ay Miisaaniyadooda ku Bixiyaan Gobolada Barri 25%

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Eng Xuseen Aadan Cige Deyr Oo kamida Siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee xilalka kala duwan kasoo qabtay xukuumadii madaxweyne siilaanyo ayaa isagoo u waramay Telefishanka saab Waxaa uu Talo ugu soo jeediyey Madaxweynaha Qaranka somaliland, in miisaaniyada qaranka somaliland wasaaradaha dalku ay culeyska saaraan sidii mashaariico kala duwan ay uga hirgaliyaan gobolada barriga somaliland.

Eng Xuseen Deyr Ayaa Tilmaamay in Gobolada Galbeedka Somaliland ay ka horumareen goboladdii barriga dalka, marka laga hadlayo dhinaca xafiisyada dawliga ah ee wasaaradaha iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan, taas oo uu tilmaamay inay muhiim tahay in Wasaaradaha dalku sida wasaarada waxbarashada, wasaarada Macdanta iyo Hay’adaha Muhiimka ahi ay Qaybo fidiya adeega ay qaranka iyo shacabka u hayaan usii xoojiyaan.

Waxaanu arrintaasi ku sifeeyey in ay dawo wanaagsan ka noqon karto culeyska siyaasadeed iyo tabashooyinka ka jira qaar kamida gobolada iyo degmooyinka dalka.

Eng Xuseen Aadan Cige Deyr Oo Arrimahaasi Ka Waramaya Ayaa Yidhi Sidan.