War Deg-Deg-Khasaare Ka Dhashay Dagaal Dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo Jabhada Suldaan Wabar.

0

Borama(Hadhwadaagnews):-Warar hadda soo gaadhay Shabakada Hadhwadaagnews Ayaa Sheegaya in maanta galinkii hore dagaal koobani ku dhexmaray ciidamada qaranka somaliland ee ku sugan xuduuda gobolka awdal la leeyhaya dalka ethiopia iyo koox ciidamo beeleed ah oo uu hogaaminayey suldaan wabar.

Dadka deegaanka oo aanu la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga ogaano ayaa noo xaqiijiyey inuu dagaalku saaka ku dhexmaray ciidamada somaliland iyo jabhada uu horkacayo suldaan wabar, “subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa ciidamada somaliland iyo jabhada suldaan wabar ay isku weerareen galbeedka xadka u dhexeeya dawlada itoobiya, wax khasaare ah waxaa ka dhashay hal askari oo ka tirsan ciidamada somaliland ayaa uu soo gaadhay dhaawac fududi”

Intaasi kadib  ciidamada qaranka somaliland oo baacsanaya kooxdan hubaysan ayaa u talaabay dhinaca dawlada itoobiya oo si teel teel ah ama shaqsi shaqi uga firdhaday goobtan laysku weeraray ee xuduuda itoobiya, walow aaney ciidamada somaliland u talaabin dhinaca itoobiya.

Dawlada itoobiya ayaa maanta galinkii danbe Ciidamo tiro badan soo dhoobtay xuduuda ay la wadaagto Somaliland, kadib markii ay ka war heshay inuu dagaal ku dhexmaray deegaankaasi xuduuda labada dal kooxdan u firxaday xaga itoobiya iyo ciidamada somaliland.

dhinaca kale dad ku sugan gudaha magaalada boorama ayaa iyaguna noo sheegay inay caawa kolanyo ciidamo ahi ka baxeen magaalada boorama kuwaas oo la geeyey xadkan u dhexeeya itoobiya iyo somaliland ee dagaalku saaka ku dhexmaray kooxda suldaan wabar iyo ciidamada qaranka.

Majiro ilaa hadda wax faahfaahin ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumada somaliland iyo dhanka suldaankan duurka u galay dagaal uu kula jiro dawladii uu hore uga tirsanaa ee somaliland.

 

Hadhwadaagnews

Borama Office