Tuugganimada Cadownimada Ayuu Kaga Daray..W/Q:-Cumar Maxamed Faarax

0

Gabadh Hooyo ah oo saddex dhal ah, ayaa iiga qisootay in maalin sii horreysay oo toddobaadkii hore ah, ay ka soo dukaansatay Suuqa Shiraaqle ee badhtamaha Hargeysa. Iyadoo socota jidka badhtamaha Hargeysa oo gacanta ku haysata Telefoonkeedii gacanta oo ahaa nooca loo bixiyey ‘dan ka hadal’, ayuu tuug ka dhuftay, kadibna uu cagaha wax ka dayey (Cararay).
Waxay tidhi inta aan anfariiray ayaan hadli kari waayey, Waxaanay iska timid gurigeedii.
Waxay ii sheegtay in tuugii Telefoonka ka xaday uu garaacay Tobankii habeenimo iyo dheeraad nin ay qaraabo iyo jaarba yihiin oo uu ku yidhi “Heblaayo ma taqaanaa?” !
Ninkii inta uu soo hinqaday ayuu ugu jawaabay, “Waan aqaanaaye’ sowdigan igala hadlaya telefoonkeedii,” Tuugii isagoo iska dhigayey inuu ka naxsan yahay ayuu si naxariisle u yidhi “Gabadhaasi waa dhaawac culus oo imika ayaanu geynay Cisbitaalka guud oo gaadhi ayaa ku jiidhay suuqa ee cisbitaalka noogu kaalaya, qoyskeediinna ugu qaylo-dhaan tag.”
Ninkii inta uu soo orday isagoo dhiilaysan ayuu gurigii Gabadhu deganeyd oo masaafo yar u jiray ku garaacay, haddiiba degdeg looga furay albaabkii xilli ay inta badan qoyskii gabadhaasi seexdeen ayuu yidhi “Heblaayo ma gaadhi baa jiidhay, sidayse wax u qabtaa?” Reerkii yaabay ayaa ugu halceliyey “Way hurudaa, waxna kumay dhicin.”
Inankii daacada ahaa oo isba hurdo u qalqaalsanayey, markii uu habaar qabuhu la soo hadlay, ayaa inta uu yax-xay isku difaacay “Telefoonkeedii ayaa la iiga soo garaacay oo nin igu yidhi “Heblaayo dhakhtarka weyn ayey taalla.” Kadibna waxa looga warramay sheekadii Telefoonka tuuggu kala cararay 11kii maalinimo. Bal saaxiibeyaal ka siteeya dhacdadaas iyo xeellada tuugaas ajandaha xun!

Tuugganimada Cadownimada Ayuu Kaga Daray

Gabadh Hooyo ah oo saddex dhal ah, ayaa iiga qisootay in maalin sii horreysay oo toddobaadkii hore ah, ay ka soo dukaansatay Suuqa Shiraaqle ee badhtamaha Hargeysa. Iyadoo socota jidka badhtamaha Hargeysa oo gacanta ku haysata Telefoonkeedii gacanta oo ahaa nooca loo bixiyey ‘dan ka hadal’, ayuu tuug ka dhuftay, kadibna uu cagaha wax ka dayey (Cararay).
Waxay tidhi inta aan anfariiray ayaan hadli kari waayey, Waxaanay iska timid gurigeedii.
Waxay ii sheegtay in tuugii Telefoonka ka xaday uu garaacay Tobankii habeenimo iyo dheeraad nin ay qaraabo iyo jaarba yihiin oo uu ku yidhi “Heblaayo ma taqaanaa?” !
Ninkii inta uu soo hinqaday ayuu ugu jawaabay, “Waan aqaanaaye’ sowdigan igala hadlaya telefoonkeedii,” Tuugii isagoo iska dhigayey inuu ka naxsan yahay ayuu si naxariisle u yidhi “Gabadhaasi waa dhaawac culus oo imika ayaanu geynay Cisbitaalka guud oo gaadhi ayaa ku jiidhay suuqa ee cisbitaalka noogu kaalaya, qoyskeediinna ugu qaylo-dhaan tag.”
Ninkii inta uu soo orday isagoo dhiilaysan ayuu gurigii Gabadhu deganeyd oo masaafo yar u jiray ku garaacay, haddiiba degdeg looga furay albaabkii xilli ay inta badan qoyskii gabadhaasi seexdeen ayuu yidhi “Heblaayo ma gaadhi baa jiidhay, sidayse wax u qabtaa?” Reerkii yaabay ayaa ugu halceliyey “Way hurudaa, waxna kumay dhicin.”
Inankii daacada ahaa oo isba hurdo u qalqaalsanayey, markii uu habaar qabuhu la soo hadlay, ayaa inta uu yax-xay isku difaacay “Telefoonkeedii ayaa la iiga soo garaacay oo nin igu yidhi “Heblaayo dhakhtarka weyn ayey taalla.” Kadibna waxa looga warramay sheekadii Telefoonka tuuggu kala cararay 11kii maalinimo. Bal saaxiibeyaal ka siteeya kaas oo kalena magaalada wuu inala joogaaye!

W/Q:-Cumar Maxamed Faarax