Bulshada Somalilnd oo baafinaysa Halka ay ku danbeysay Haa’yada Quality control ee ilaalinta Tayada cuntada dibada laga soo dajiyo.?..W/Q:-Moh’ud Xuseen Jawhar

0

Hargeisa(HNN):-Haa’yadaas oo qaranka ugu xilsaaran la xisaabtanka ganacsatada dibada ka soo dajiya cuntooyinka dhacay iyo ilaanta tayada oo ahyd inay baadhitaano samayso islamarkana ay gubto waxa dhacay ee bulshada khater Caafimaad ku Keenaysa.
Beryahan danbe waxa soo baxaya walaac badan taas oo shacabka ka qabaan cuntada iyo daawooyinka dhacay ee ku soo badanaya dalka.
waxa kale oo soo batay Cuduro dadka ku soo batay ee aan hore ugu dhici jirin sida cudurka macaanka, dhiig-kar, iyo faaliga iyo qaar kale oo la ogoday in ay la xidhiidhaan cuntooyinka dhacay iyo kuwa moorsan (Qasacadaysan).

Geesta kale Maayirka Berbara Abdishakur Cidin waxa uu sheegay inay dhawaan gubeen Daqiiq dhacday,oo dhan 27000 kun oo koontinar.
Waxa xaqiiqo ah in Hargeysa ay dhul iyo Bulshaba aad uga Baaxad-wayn tahay Berbara,

Hadaba waxay tahay su,aasha is waydiinta leh,
Imisa Raashin iyo daawoyin dhacay ayaa soo gala Caasimada Hargeysa?

Ilaa hatan bulshada ayaa ka dhul sugaysa sababta xukuumada talada haysa talaabo uga qaadi wayday, cuntada iyo daawooyinka dhacay ee shacabka ku haya saamaynta Caafimaad daro.?

 

Hargeisa Somaliland

W/Q:-Saxafi Maxamuud Xuseen Jaamac Jawhar.