Daawo-Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga & Barakacayaasha Jsl Oo Hadhimo Sharafeed Usameeyay Shaqaalaha.

0

Hargeisa(HNN):-Gudoomiyaha haayada Qaxoontiga iyo Barakacayaasha Qaranka Somaliland Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa hadhimo sharafeed ujeedadeedu Tahay  dhiirigalinta shaqaalaha  usameeyay taasi oo lagu qabtay huteelka maansoor.

Waxaana munaasibadan Qado Sharafta ah kasoo qaybaglay Gudoomiye kuxigeenka Haayada marwo oo isana dhinaceeda shaqaalaha ku amaantay isku duubnida iyo heegan ay ugu jiraan hawlaha qaranka.

Sidoo kale qaarkamid shaqaalaha haayada ayaa ka mahad celiyay casuumada uu gudoomiyuhu ku maamuusay iyaga oo ka marag kacay waxqabadka muuqda ee uu gudoomiyuhu horgaliyay mudadii uu joogay xafiiska.

Dhanka kale Gudoomiyaha haayada qaxoontiga iy barakacayaasha Cabdikariim Axmed Maxamed (Xinif) ayaa ka shaqaalaha ku amaanay sida fiican ee ay ula shaqeeyeen oo uu sheegay in aan la,aantood uuna gaadheen waxyaabaha usuurt galay.

Gudoomiye xinif ayaa shaqaalaha  haayada kula dardaarmay in ay ka dheeraadaan siyaasada iyo kala taageerida asxaabta siyaasada iyo aafada qabyaalada.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;