Itoobiya Oo Ku Dhawaaqday Weerarro Maanta Lagu Soo Qaaday Iyo Isgaadhsiinta Oo La Jaray Meelo Muhiim Ah

0

Addis Ababa(HNN):– Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in maanta lagu soo qaaday weerarro halis ah oo lagu bartilmaameedsaday meelo muhiim ah, kuwaas oo ujeeddadoodu ahayd in khalkhal lagu geliyo dalka.

Hay’adda Amniga qaranka ee INSA ee dhinaca Internet-ka ee Itoobiya ayaa waxay sheegtay in maanta ay uu dalku la kulmay weerarro bartilmaameedkoodu ahaa hay’adaha dhaqaalaha, si dalka looga fadhiisiyo nidaamyada xisaabeed.

INSA waxay sheegtay inay si buuxda awood ugu leedahay ka hor tagga weerarrada Internet-ka, ayna ka hor tagtay kuwii maanta oo socday muddo kooban.

Ku-xigeenka madaxa hay’adda INSA, Warku Gachna ayaa waxa uu sheegay in khadka isgaadhsiinta gaar ahaan Internet-ka laga bakhtiiyo goobo cayiman oo ay ogaadeen in ay ahaayeenn bartilmaameedka weerarka.

Masuulkani waxa uu xusay in ay waajibaadkooda tahay in ay ka hortagaan weerar kasta oo Internet-ka oo lagu soo qaado dalka.

Wararka laga helayo dalka ayaa waxay sheegayaan in Baananka iyo Wasaaradda Maaliyadda ayy ahaayeen meelaha weerarrada lagu qaaday.