Somaliland Oo Cadaysay Wadada Ay U Marayso Citiraaf Ay Ka hesho Beesha Caalamka.

0

Hargeisa(HNN):-Xukuumada Somaliland oo Dadaal ugu jirta sidii qadiyada somaliland loo gaadhsiin lahaa beesha caalamka iyo ururada ay ku midaysan yihiin dawlada dunidu, ayaa meel cad ka istaagtay in somaliland ay qorshe cad ka leedahay qaabka diblamaasiyadeed ee ay u hor dhigayso beesha caalamka Citiraafka ay shacabka somaliland diyaarka u yihiin inay ka helaan beesha Caalamka.

Yaasiin Maxamuud Faratoon, Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, oo u waramayey wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ayaa waxa uu sheegay in Somaliland ay qadiyadeeda ictiraaf raadinta ay u dabo gali doonto Midowga Afrika.

Wasiir Faratoon ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay su’aal laga weydiiyay sababta ay beesha caalamku ay si isku mid ah ugu fiirin weyday qadiyadooda iyo kuwa Ereteriya iyo Koonfurta Suudan, oo Somaliland kaga horeysay ku dhawaaqida madax-banaanidooda, isla markaana loo aqoonsaday dalal madax banaan.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Maxamuud Faratoon oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yiri “Arrintaasi waxay u taalaa inay Beesha caalamku ka jawaabto. Runtii ma garanayno sababta ay Beesha caalamku uga faaganayso inay na aqoonsadaan. Somaliland waxay leedahay dhammaan sharciyadii iyo shurudiihii qaran lagu noqonayay oo ay ku jiraan aftidiii shacabkayaga oo si cad u sheegtay mawqifka shacabka Somaliland”.

“Waxaanu si adag u aaminsaahay hal qodob. Somaliland ugu dambayn waxay heli doontaa madaxbanaanideeda. Wuxuu ahaa Midow Mutadawancimo ah oo aanu la galnay Soomaaliya.  Laakiin markii ay reer Somaliland dib ula soo noqdeen xorriyadoodii, waxay si cad oo ay xaq u leeyihiin uga baxeen Midowgii Soomaaliya”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Waxaanu isku dayaynaa sida ugu wanaagsan ee aanu awoodno. Mawqifkayagu waxa weeye inaanu diirada saarno inaanu beesha caalamka qaddiyadayada hordhigno oo aanu sida ugu wanaagsan isugu dayno inay beesha caalamku ogaato waxaanu doonayno”.

“Waxaanu isku dayaynaa inaanu qaddiyadaya ku dabo-galno Midowga Afrika iyo xidhiidhada kale ee diblomaasiyadeed ee gobalka aanu ku leenahay”.

 

Hargeisa Somaliland

Hadhwadaag News Network