Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Dhalliil Culus iyo Hanjabaad u Jeediyey Maayerka Boorama.

0

Borama(HNN):-Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa Sheegay in Maayerka Magaalada Boorama Ku Fashilmay Masuuliyadda uu Bulshada Magaaladaas u Hayo, waxaanu dhalliisha ka sokow u jeediyey hadallo hanjabaad iyo sixitaan u muquuday.

Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Masuuliyiin kale, ayaa maanta gaadhay magaalada Boorama, waxaanu markii uu halkaas tegay hadal uu Warbaahinta siiyey ku sheegay in Maayerka Boorama ku fashilmay hawsha laga sugayey in golaha deegaanka ee uu hoggaamiyaa gutaan waajibaadka adeegyada bulshada ka saaran, isla markaana uu ka gaabiyey buuxinta shuruudaha la xisaabtanka.

Cabdiraxmaan-Saylici, waxa uu sheegay in aan reernimo iyo xeerka dhigaya inaan xilka laga qaadi karin labada sano ee u dambeeya xilkooda aanu kaga badbaadi doonin dembiyada shaqo ee uu galo iyo fashilaadda wax-qabad la’aanta iyo ka baydhbaydhista la xisaabta mashaariicda horumarineed.

Haddaba, Hadalka Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici Boorama ka jeediyey ee uu ku dhalliilay Duqa Boorama ahna Guddoomiyaha golaha deegaanka ee degmadaas Saleebaan Xasan Xaddi, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-