Deg-Deg-Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Oo Dhamaan Bedelay Ciidankii ku Sugnaa Degmada Wajaale Qaar kalena Geeyey.

0

Wajaale(Hadhwadaag):-waxa saaka labaday ciidankii booliska Ee Hawlgalayay dagmada wajaale  Ee gobolka gabiley iyaga oo lagu soo badalay ciidan dhalinyaro u badan oo akhlaaq wanagsan iyo daacadnimo  ka muuqatay.

waxana xusid mudan in shacabka  magaalada wajaale  ay damashaad lahortageen saldhiga booliska degmada wajaale  iyagoo muujinaya siday ugu faraxsanyihiin badalka ciidanka booliska waxeyna soo  dhaweeyeen ciidanka loo soo badalay saldhiga wajaale ee ka hawlgali doono.

badalka booliska saldhiga wajaale ayaa imanaya kadib markii dhawaan wiil dhalinyaro ah meydkiisa laga helay beeraha banka wajaale arintaasi oo lala xidhiidhayay in ay ka danbeeyeen 5 askari oo ka tirsanaa ciidanka booliska ee saldhiga wajaale.