Deg-Deg-Ciidanka Somaliland Oo Jidka Ugalay Weftigii Gudoomiyaha Barlamaanka PL.

0

Sool(Hadhwadaag):-Warar Laga helayo Deegaanada badhan iyo hadaaftimo ayaa Noo Xaqiijiyey in Ciidamada Somalilad Dagaal kala hortageen Wafti uu hogaaminayey gudoomiyaha baarlamaanka maamulka puthland oo  maalamihii u danbeeyey deeganada ka dhexwaday rabashado bulshada deegaanka nabad galyo darro lagu dhex dhigayo.

Waxaana Goob joogayaal ka ag dhawaa noo Xaqiijiyeen in Waftigan oo u socoday deegaanka Hadaaftimo ciidamdu kala hor yimaadeen rasaas kadib ay dib iyaga oo la baacsanayo ugu noqdeen Magaalada badhan oo maalmahanba ay dhuumaalaysi ku joogeen.

Ma jiro Ilaa Hadda Wax War oo la xidhiidha oo kasoo Baxay Dhinaca Ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan Jiida iyo Dhinaca maamulka puthland.

Inta La ogyahay Waxay Ahayd laba cisho ka hore kadib markii shacabka deegaano Ku teedsan magaalada badhan ay Mudaharaad balaadhan kala hortageen gudoomiyahan garoowe uga soo baqoolay sidii uu shacabka xaalado nabad galyo darro u kala dhex dhigi lahaa.

Hadhwadaagnews

Garoowe Office.