Deg-Deg-Abwaan Axmed Saleebaan Bide Oo Xaalad Caafimaad Loo Dhigay Cusbitaalka Hargeisa.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Abwaan Axmed Saleebaan bide oo kamida Tiirarka Fanka Somaaliyeed islamarkaana kamid ah Abwaanada ugu Suugaanta Badan Afka Somaaliga, ayaa xaalad caafimaad loo dhigay cusbitaalka weyn Magaalada hargeisa.

Abwaan Axmed Saleebaan bide oo Xanuunkan Loo dhigay Cusbitaalka hargeisa yahay mid cusub oo dhawaan dhulka usoo ritay ayaaney Jirin ilaa hadda cid isu xilqaantay in dhakhtar dibadeed loo qaado.

Abwaan Axmed Saleebaan Bide ayaa Marka loo noqdo Dhinaca fanka Lagu Xasuustaa Qisooyinkii iyo heesihii qiimaha badnaa ee uu musawirkaga kagaga bixiyey arrimaha jacaylka, Waxaan Abwaan Axmed Saleebaan bide la ogyahay inuu kamid yahay Abwaanada tirada Yar ee Riwaayadaha iyo Sugaanta uu sameeyey yihiin kuwa ugu badan ee Dhaxalka u ah Dhaqanka iyo Suugaanta afka Somaaliga.

Xukuumada Somaliland ayaan Ilaa hadda Jirin Cid Xaalada Abwaan Axmed Saleebaan bide soo dul Istaagtay iyo Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeisa wakhtigan uu u jiifo xanuun asiibay.

Inta Badan Xukuumada Somaliland Ayaa  Si Weyn uga Qayb gasha Aaska Dadka magaca Ku leh Fanka iyo Qaranka Somaliland marka ay tiisa Noqoto ee uu geeriyoodo balse ma jirto Inta Ka Horeysay Da’daal iyo dabiib lagula tacaalo Xaaladiisa Caafimaad.

 

 

 

Hadhwadaagnews

Hargeisa SOmaliland