Dardaaran Laga Reebay Mid Kamida Lixdii Qof ee Maanta Lagu Fuliyey Dilka Qisaasta ah.

0
Farxaan oo kamid ahaa raggii maanta Dil Qisaas ah Lagu Fuliyey

Hadhwadaag(Sool):-Farxaan Maxamed Xasan oo kasoo jeeda Magaalada Buuhoodle oo kamid ahaa Lixdii qof ee Maanta lagu qisaasay Somaliland gaar ahaan xabsiga Mandheera ayaa Loo haystay Kiiska inuu dilay Gudoomiye Maxkamada gobolka sool toban sano ka hore.

Haddaba Dardaaranka Saaka laga qoray Intii aan Lagu Fulin dilka Marxuumkan ayaa u dhignaa sidan.

Labo saacadood ka hor intii aan la toogan Farxaan Maxamed Xasan-yare, Wasaardda diinta iyo awqaafta Somaliland ayaa ka reebtay dardaarankan :

1- Lacgatii la ii uruuriyey ubadkayga ha la siiyo marka laga reebo wixii shareecadu qaybteeda ka siiso.
2-Ninka la ii haysto ee la ii dilayo ma aan dilin, markhaati igu furayaana ma jiro .
3- Tolkay waxa aan leeyahay nimankaa dulmiga igu dilay Allaah hortiisa ayaanu ku kulmaynaa iyaga ooo dambigayga xambaarsan ee yaan cid la iga daba gayn.

Dardaaranadaa saddexda ah ayey wasaaraddu u gudbisay Sh.Cumar-soodaani Axmed Maxamuud oo ka mid ah culimada magaalada Buuhoodle .

 

Hadhwadaagnews

Laascaanood Office

Hadhwadaagnews@gmail.com