Hogaamiyaha Ruuxiga Iiraan oo Difaacay Militariga.

0

Hadhwadaag(UK):-Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei ayaa difaacay militariga dalkaas kaddib markii dhawaan xukuumadda Tehran ayaa qiratay in diyaaraddii rakaabka ee Ukraine aan si ula kac aheyn loo soo riday.

Wuxuu sheegay in ciidammadii Kacaanka ee ka dambeeyay masiibadaas ay ‘ilaaliyeen ammniga Iiraan’

Aayatullah ayaa maanta salaadda jimcaha dadweyne ku tujiyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Tehran markii ugu horreysay muddo siddeed sanno ah.

“Malaayin Iraaniyiin ah iyo kumanaan Ciraaqiyiin ah ayaa u baroordiiqay dilkii Janaraal Suleymaan” ayuu yiri Aayatullaah Cali Khamenei.