Shirkadii Turkiga Ahayd ee Dhismaha Ka Wadday Wadda Afgooye Oo Kala Laabtay Qalabkeeda,Maxaa Sababay?.

0

Hadhwadaag(Muqdisho):-Shirkadda Turkiga ee dhismaha ka wada wadada xiriirisa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose iyo magaalada Muqdisho  ayaa lasoo baxday qalabkeeda.

Shirkadda ayaa maanta bilowday in ay qalabkii ay ku shaqeynayeen dib ugasoo rarto, iyadoo usoo daabushay gudaha magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Sida ay illo wareedyo rasmi ah u xaqiijiyeen Shabakadda Hadhwadaagnews, sababta loo soo raray qalabka ayaa ah in la badalo qalabkaas maadaama ay dhibaato kasoo gaartay qaraxii ugu dambeeyey oo ay Al-Shabaab ka sameeyeen jidkaas.

Waxaana Sidoo kale jira Cabsi Hor leh oo ay ka qabaan Shaqaalaha ajaaniba ah ee u dhashay dalka turkiga in Lagu Laayo Qaraxyo oo ay Soo maleegto Kooxda alshabaab sidii ay hore ugu dishay engineero turkiga u dhashay iyo Dad badan oo soomaali ah.

Wadada dhismaha ka socdo ayaa hadda waxaa lagu soo daadiyey ciidamo badan oo ka tirsan Booliska Gobolka Banaadir, waxaana la filayaa in dib loo bilaabo dhismaha jidkaas isla markaasna halkaas la geeyo qalab cusub oo ay leedahay shirkadda qaadatay mashruuca dhismaha Jidka isku xiro Muqdisho iyo Afgooye.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga mar uu ka hadlayay qarax shalay lala beegsaday Injineeradaasi ayuu sheegay in aysan hakin doonin weerarada ay gaystaan Shabaab hawlaha ay ka hayaan Soomaaliya iyo garab Istaagga dawladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

“Weerarkii argagixiso ee Soomaaliya ka dhacay waxa uu mar kale muujinayaa wajiga foosha xun ee argagixisada.Weerarrada bahalnimo marnaba nagama joojin doonaan la dagaallanka argagixisada. Waan garab taagnaan doonnaa walaaleheenna Soomaaliya. Waxaan walaalaha dhaawacmay u rajeynayaa dhaqso in ay bogsoodaan, si dhow ayaan ula socon doonnaa xaaladdooda ayuu yiri.” wasiirka arrimaha dibadda Turkiga.

 

Muqdisho Wararka Somalia

Hadhwadaagnews Office

Hadhwadaagnews@gmail.com