Maayirka Degmada Gabiley Masuulkii ugu Waxqabadka Badnaa Mudanayaashii Soomaray…W/Q:- Siyaasi Abdifatah Ali A/laahi.

0

Inkasta oo Garaadka iyo Garashada eebe ku qofkasta ku galado in gaara oo ay tahay deeq eebe bixiyo qofkastaana geediga u raro inta hadba garaadka iyo dadnimadiisu gaadhsiisan tahay waxaan la hilmaami karin in Maxamed Amiin Cumar Cabdi oo ah duqa degmada gabiley uu hayaankii & hogaamintii ay golaha deegaanka gabiley u doorteen inuu noqdo maayirka degmada uu u jeheeyey dariiq waxqabad oo qof kasta oo ku nool deegaanka gabiley ama safar indho indhayn ah ku tagaa aan marnaba ka qarsoomaynin.
Inkastoo masuuliyiintii ka horeysay midkastaaba heer soogaadhsiiyey horumarinta degmada gabiley daboolista duruufaha ku xeernaa, haddana waxa imika laga qabtay degmada gabiley haddii ay tahay dhinaca arrimaha bulshada dhismaha wadooyinka, goobaha waxbarashada, sariimadaha iyo xarumaha xaafimaadkuba yihiin ku dadaal iyo juhdi uu galiyey xaqiiqatan intii uu hayey xilka gudoomiyaha golaha deegaanka gabiley iyadoo baalasha uu ku duulayaana yihiin xildhibaanada golaha deegaanka oo marwalba uu isku waday.
Waxaan aaminsanahay in guulaha faraha badan ee ay ka gaadheen golaha deegaanka degmada gabiley ee ah horumarinta bilicda magaalada iyo baahiyaha bulshadaba ay tahay mid ay guusheeda iyo hirgalinteeduba sabab u tahay kalsoonida iyo garashada daacadnimada iyo dulqaadku hagayo ee ku hogaaminayo mudane maxamed Amiin cumar cabdi.
Si guud marka aynu uga Hadalno waa kuma hogaamiye Wax horumarinkaraa ama Bulsho Aamini kartaa Waxaa la ogyahay inuu yahay Qof Naftiisa iyo hab dhaqankiisa asluubeedba yihiin mid Hiraal u noqon kara dadka uu hogaaminayo, waxaan shaki ku jirin in Maxamed amiin cumar cabdi uu yahay Shaqsi koobsaday alle ka cabsi, cibaado suuban iyo caqliyad caafimaad qabta oo hormuud u noqon karta jiilalka ka danbeeya ee damaca siyaasadeed ka leh inay maruun hogaan ka noqodaan degmada gabiley ama gobolka gabileyba.
Dadka aad Maamulayso oo aad ula Macaamisho si Kalsooni iyo Kalsamaan ahi waxay qayb ka qaadataa in Qorshihii aad doonaysay inaad Ku horumariso Shaqada aad haysaa ay si dhib yar kuugu hirgali karto, taasina waata u sababta ah in waxweyni iska bedelaan guud ahaan gobolkii gabiley iyo Baahiyihii faraha badnaa ee hore bulshadu saluuga badan ka qabeen.

Igama aha Shaqsi Jacayl iyo ujeedo kale balse inaan qalin ku sifeeyo shaqsiyada Waxa fiican kusoo kordhiyey Bulsho badan Waxay aragtidaydu istusisay Inaan dhiirigalin iyo dardargalin uga dhigo Dadaaalka Maayirka degmada gabiley Maxamed Cumar, Waayo haddii aynu soomali nahay Waxaa dhaqan iyo caado inoo ah in qofka wanaagsani marka uu dhinto uun wanaagsii iyo wixii uu bulshada taray la sheego oo xabaasha lala dul istaago, waxayse ujeedkayga qormadani tahay in Shaqsiyan maxamed amiin uu ku amaanan yahay dadaalka ka muuqda degmada iyo deegaanka hoosyimaadaba, loogana baaahan yahay Dadaalkaa iyo Mid kasoo balaadhan.Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

W/Qalinkii:-Siyaasi Abdifatah Ali Alaahi.

Hargeisa Somaliland.