Fadeexad Qaran-Taliyaha Ciidamada Asluubta Somalia oo Beeniyey Inaanu Jirin Wasiir Janan Oo Ay Iyagu Xabsiga Ku hayeen.

0

Muqdisho(HNN):-Magaalada Muqdisho Waxaa maalintii shalay ay Warbaahintu baahisay in Wasiirkii arrimaha gudaha Dawlad goboleedka Maamulka jubalad mr Janan ay xukuumada madaxweyne farmaajo hore u xidhay uu ka baxsaday xabsiga, kadib markii shalay taliye ku xigeenka booliska somalia ay barteeda twiterka kusoo qortay inuu ka baxsaday xabsiga mr janan sidaa ciimada amaanku ku baadigoobayaan.

Haddaba Arrinta Fadeexada ku ah Dawlada Madaxweyne Farmaajo ayaa ah kadib Markii Caawa uu Warbaahint La hadlay Taliyaha Ciidamda Xabsiyada ee Asluubtu uu si adag uga hadlay Inaanu Jirin Ninka lagu magacaabo ee janan oo la Keenay Xabsiyada ay maamulaan, taas oo cadaysay in Xukuumada Madaxweyne farmaajo iyo laamihiisa amnigu u sameysteen bulshada Xabsiyo gaara iyo goobo gaara ah oo ay dadka ku jidh dilaan.

Halkan Hoose ka Daawo Warka Taliyaha Asluubta Somalia.