Hogaanka Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Oo Galabta Kulan Gaara La Qaatay Safiirka Midwoga Yurub U Qaabilsan Somaliland iyo Somalia.

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Hoggaanka Labada Xisbi Mucaarad ee WADDANI iyo UCID ayaa galabta Magaaladda Hargeysa kullan gaar ah kula qaatay Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Somaliland iyo Somalia. Kullanka ayaa lagaga wada hadlay sidii sannadkan 2020 dalka doorashadii isku sidkaneyd uga dhici laheyd.

Madaxda Labada Xisbi Mucaarad ayaa war-bixin dheer ka siiyey Safiirka xaaladda dalka iyo sida doorasho diyaar loogu yahay, dhanka kalena-na uu Safiirkuna u sheegay in ay Beesha Caalamka iyo dalalka Somaliland ka taageera doorashooyinku diyaar u yihiin sidii Somaliland doorasho uga dhici laheyd.