Maamulka Shirkada Adeega Sharciga ee Tawfiiq oo Bulshada Danyarta ah u Balan Qaaday Inay Ka Caawin Doonaan Dhinaca Arrimaha Sharciga ee Dacwadaha.

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Maamulka shirkada  adeegyada sharciga ee Tawfiiq Law Firm oo Bulshada u qabata adeegyada kala duwan ee Dhinaca Sharciga ayaa Shacabka Somaliland ugu Bushaaraysay inay ka Caawin doonaan Dhamaanba Talooyinka Sharci iyo Difaacida dhinabayaasha dacwadaha kala duwan uga socodaan Maxkamadaha dalka,

Madaxa Xafiiska Tawfiiq Law Firm oo la Hadlay Warbaahinta  Cigaal cismaan Xassan Almis Ayaa Sheegay Inay Sidoo Kale ka xafiis ahaan Aaney u shaqayn uun kaliya dadka lacagta haysta balse dadka danyarta ay ugu talo galeen Qareeno iyo Sharci yaqaano si lacag la’aan ah ama Mutadawacnimo ah ugu Adeega Maalmaha Khamiista Kuwaas oo ugu diyaara xafiiska Ay Shirkada Tawfiiq Ku Leedahay Agagaarka Maxkamada Gobolka Hargeisa.