Deg-C.rashiid Janan Oo Fashiliyey Saraakiil Kala Shaqeeyey Inuu Ka Baxsado Xabsigii Muqdisho ee Ku Xidhnaa.

0

Hadhwadaag(Nairobi):-Labadii sibuuc ee la soo dhaafay dowladda Soomaaliya ayaa sheegeysay inay dadaal ugu jirto sidii ay dib gacanta ugu dhigi lahayd wasiirkii Amniga ee maamul goboleedka Jubbaland, Cabdirashiid Xasan Cabdinuur(Janan), kaasoo ay sheegeen inuu ka baxsaday xabsi lagu hayay.

Dad badan waxay su’aalo iska weydiinayeen sida ay ku dhacday in Cabdirashiid uu baxo faraha dowladda federaalka.

Janan, oo aan warbaahinta la hadlin tan iyo markii uu ka tagay Muqdisho, ayaa markii ugu horreysay BBC-da uga warramay qaabkii ay ugu suurtagashay inuu ka fakado xabsiga lagu ilaalinayay.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan