Raysal Wasaare Abiye Axmed Oo Kulan U Qabtay Madaxda Labada Dal ee Somaliland iyo Somalia

0

Addisabab(Hadhwadaag):-Wararka Ka Imanaya Magaalada Addis Ababa ee Xarunta wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in dowladda Itoobiya ay kulan siisay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somalilad Muuse Biixi Cabdi. Labadda Madaxweyne iyo xubno ka socda labadda dhinac ay Kulan wada qaadanayaan, 

Waxaana Ilo Wareedyo kala Duwani tibaaxeen In Raysal Wasaare abiye Axmed uu Ka Danbeeyey Qorshaha Kulanka madaxdan labada dal ee Somaliland iyo Somalia.

Walow Ay hore u jireen Wadahadalo Dhexmaray labada Dhinac ee Somaliland iyo Somalia oo Ka dhacay dalalka dibada sida turkiga iyo ingiriiska ayaa haddana kulankan hadda ku dhexmaray labada madaxweyne noqonayaa kii ugu horeeyey ee ay wada yeeshaan labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia.

Inkasta oo aanu Ilaa Hadda Jirin War Rasmiya oo ka soobaxay dhinaca somaliland iyo Somalia oo la xidhiidha kulanka Labada madaxweyne, ayaa Bulshadu u dhegtaagaysaa Natiijada kasoo bixidoonta Kulamada ay Ilowareedyadani Tibaaxeen.