Ethiopia oo Ansixisay sharci ka Dhan ah Hadallada Naceybka.

0

Hadhwadaag(addisabab):-Baarlamanka Ethiopia ayaa Khamiista maanta ah ansixiyay sharci dhigayo in ciqaab adag la dul-dhigi doono dadka ku kaca hadallada naceybka iyo maran-habaabinta ku saleysan.

Ku dhawaad 300 oo mudane oo ka tirsan baarlamaanka Itoobiya ayaa ogolaatay qaanuunkaan, 23 xildhibaan ayaa diidday, halka labo kale ay ka aamustay.

Baarlamaanka ayaa isku raacay in qofki lagu helo hadallada naceybka ku saleysan iyo wararka been-abuurka ah, uu muteysan doono ganaax lacageed oo gaaraya $3,100 iyo xabsi laba sano ah.

Baarlamaanka ayaa ku qeexay hadallada naceybka ku saleysan in noqon karaan, hadallada cunsuriyadda ah ee lagula kaco koox, iyadoo wax laga sheegayo halka ay kasoo jeedaan, jinsiyaddooda, diintooda ama iin ay leeyihiin.

Arrintaan ayay dowladda uga hortageysaa rabshadaha ku saleysan isirka ee kusoo noqnoqday dalka Itoobiya sannadihi dhawaa. Qaanuunkaan ayaa kusoo aaday xilli dalka Itoobiya lagu wado in bisha August ee sannadkaan ay ka dhacaan doorashooyin taariikhi ah.