Madaxweynaha Somaliland Oo Wafti Wasiiro ah u Diray Muranka Ka Taagan Dhulka Xabaalaha Wajaale, iyo Nuxurka Kulamo Hordhac ah oo Ay La Qaateen Odayaasha iyo Ganacsatada Wajaale.

0

Hadhwadaag(wajaale):-Kadib Markii dhawaan uu muran xoogani ka dhashay magaalada wajaale oo ku saabsanaa dhul uu hore u bixiyey Madaxweynihii Hore Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo loogu talo galay in laga dhigo Xabaaalo lagu aaso dadka deegaanka magaalo ganacsiyeeda Togwajaale ayaa Waxaa dhawaan ay Wasaarada Gaadiidka iyo Jidadka Somaliland iskudayday inay ka bilowdo dhisme aan Qorshaha iyo cida leh hore loo shaacin, waxbana aan lagala socodsiin wasaarada hawlaha guud iyo guriyeynta oo masuul ka dhulka dawlada.

Islamarkaana aan lasoo marin Gudida Qandaraasyada Qaranka Somaliland oo u xilsaaran Shaacinta Wixii dhisme iyo shaqo ee loo qabanayo Hay’adaha dawlaha, arrintaas oo muran iyo buuq ka bilowday magaalada wajaale oo u dhaxaysay ganacsatada iyo maamulka degmada wajaale iyo ka gobolka gabiley ayaa sababtay in markii ay Maamulka Gobolka gabiley oo ugu horeeyo  badhasaabka gobolka gabiley iyo Agaasimaha Wasaarada Gaadiidka iyo jidadka Somaliland in ay dhagax dhigaan dhismahan Laga dhisayo dhulkan hore loogu bixiyey xabaalaha ayaa Shacabka degmada wajaale oo ay horkacayaan Gudida ganacsatada wajaale si adag uga soo horjeesteen arrintaasi waxaana ka dhashay dagaal sababay gacan ka hadal oo aakhirkii xabsiga loo wada taxaabay dhamaan ganacsatadii iyo bulshadii kasoo horjeestay in la dhagax dhigo dhismahan laga dhisayo Xabaalaha ee lagu sheegay in Wasaarada Jidadka iyo gaaadiidka Somaliland isticmaali doonto taas oo lagu kala wareejin doono baabuurta xamuulka sida ee kasoo baxa dekeda berbera.

Intaa Kadib haddba Markii ismariwaagaasi ka dhacay Degmada wajaale oo kusoo beegantay wakhti uu madaxweynaha Somaliland ku maqnaa dalka itoobiya ayaa Maanta Waxaa gaadhay magaalada wajaale wafti ka kooban xubno wasiiro ah iyo madax kale oo loo xilsaaray sidii ay usoo dhamayn lahaayeen xaalada meesha ka taagan iyo dhulka muranka dhaliyey ee laysku haysto.

Waxaana Saaka Subaxdii hore Soogaadhay magaalada wajaale Wafti ka Kooban Wasiirka  Wasaarada Hawlaha Guud Guriyeynta C,rashiid Xaaji Ducaale Qambi iyo Wasiirka wasaarada Isgaadhsiinta iyo technoolajiyada Somaliland Mudane C.wali Sheekh Suufi Jibriil, iyagoo sidoo kale ay ku wehelinayeen Badhasaabka Gobolka Gabiley mr indho Balac iyo taliyaha qaybta gobolka gabiley oo iyagu ahaa raggii awooda ku dhagax dhigay dhismahan ay wadatay wasaarrada jidadka Somaliland ee la doonayey in laga dhiso Dhulka Xabaalaha ah.

Hadaba Gudidan Xaqiiqo Raadinta ah ee Saaka Gaadhay Magaalada wajaale oo Kulamo Saacado badan Qaatay ay isku hor fadhiisteen Maamulka degmada Wajaale odayaasha iyo ganacsatada Degmada wajaale oo ahaa iyagu dadka sida adag uga soo horjeeda in lagga dhiso dhisamahan goobta loo qorsheeyey xabaalaha aya Kulankan oo Wakhti dheer qaatay Warbaahintuna dibed joog ka ahayd ayaa waxaaa wararka hordhaca ah ee Shabakada gabiley news heshay xaqiijiyeen in lagu Balamay In Sida ugu dhakhsaha badan loo siidaayo Ganacsatadii laga soo xidhxidhay magaalada wajaale sidoo kale ay Waftigan wasiirada ahi Kusoo Noqon dooonaan magaalada wajaale maalinta isniinta kulamo kala duwana ay la qaadan doonaan xubnahan gudida ganacsatada ee xidhxidhan, Waxaana ilo Xog-ogaal ah oo ku Sugnaa Shirkan ay wada yeesheen Odayaasha iyo Xubnaha wasiirada ahi xaqiijiyeen in laysla meel dhigay In loo Daayo Goobtaasi hore Loogu Buxiyey Inay Ahaadaan Xabaalahoodii sidaana aan waxba lagaga bedeli Karin wixii hore loogu qorsheeyey dhulkaasi.

Taas oo Macnaheedu noqonayso in Aragtidii iyo Go’aan ay Ganacsatada iyo Bulshada wajaale ku dalbanayeen in aaan xabaalaha laga dhisin dhul cidna laga iibin uu hir galay oo laysla qaatay in wasaarada horumarinta jidadka iyo gaadiidka loo raadiyo dhulka ay doonayso inay ka dhisato magaalada wajaale.

 

La Soco Wixii Warar Ah ee Kasoo Kordha Arrintan.