Baafin-Gabadh 13 Jir Oo Kamid Ahayd Ardayda Dhigta Dugsiga Sare.

0

Baafin 

Waxaa La baafinayaa Gabadha Magaceedu yahay Isra Cali Maxamuud Aadan (Cali Dalmar) oo da’deedu tahay 13 jir Markii noogu War danbaysay Waxay Xidhnedy dirayska ay ku tagtay Dugsiga Sare ee Somaliland oo markaa ay kamid ahayd ardayda dhiganaysay, Waxaan si naxariis iyo waalidnimo ah uga codsanayaa dhammaanba shacabka Somaliland Goboladeeda Degmooyinkeeda iyo Dhammaan Waddamada aynu jaarka nahay in haddii ay aragto cidi ay si naxariis leh nooga soo Waci karaan telefoonada hoos ku Qoran oo ah Waalida ay ka maqan tahay gabadhyar ee ciyaala iskuulka ahi.

 

063-4426478   ama  063-4083012 ama 4427360