Ex-Wasiir Shucayb Oo Difaacay Wax Ka Bedelka Xeerka Furista Ururada Siyaada Somaliland Jawaabna Ka Bixiyey Aragtida Xisbiyada Mucaaridka.

0

Hargeisa(Hadhwadaag):-Ex Wasiir Shucayb Maxamed Muuse Oo kamida Wasiiradii Xukumaddii Madaaxweyne Axmed Siilaanyo ahaana Wasiirkii Warshadaha ayaa Maanta aragtidiisa ku cabiray Qorshaha madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland ku sheegay Inuu Hore usoo dhigay Furista ururada Siyaada, sidoo kalena la filayo in Maamlmaha Soosocda Golaha Wakiilada la Horgeeyo Wax Ka bedelka Xeerka Furista Ururada Siyaada.dhanka kale waxaa uu ka hadlay kulankii madaxweynaha somaliland uu la yeeshay madaxweynaha somalia.

Waxaa Sidoo kale Siyaasi Shacayb uu Si Adag uga Jawaabay Aragtida Xisbiyada Mucaaridka Somaliland Kagaga Soo horjeesteen, Furashada Ururada, taas oo uu sheegay Inay Tahay Shaqo u Taaala Haayada Sharci Dajinta ee Golaha Wakiiilada Somaliland.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.