“Ha Iloobin Naf iyo Maal Wixii Aad u Hurtay Si Aad u Xaqiijiso Qarankaa Hanaqaaday.W/Q:-Eng Xuseen Deyr.

0
HA ILOOBIN NAF IYO MAAL WIXII AAD U HURTAY SI AAD U XAQIIJISO QARANKAA HANAQAADAY EE MAANTA LA WADA HADHSANAYO!!
Waxa timaada xaalad ay damiir ahaan waajib kugu tahay inaad meel iska dhigto kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadeed ee ka jara dhexdeena.
Waxa timaada xaalad ay damiir ahaan waajib kugu tahay inaad Dalkaaga iyo Dadkaaga ku difaacdo Qalin, Qawl, Qori, Naf iyo Maalba.
HADDABA; waxa xaqiiqa ah in Xaaladahan oo dhammi ay haatan si cad inoo horyaalaan!!
• Kol haddii si cad oo aan gabasho lahayn loogu qiil samaynayo Xasuuqii iyo Cidhib-tirkii Qorshaysnaa ee loo geystay ummada Somaliland oo la ina leeyahay: “HAA SAX BAY AHAYD IN LA IDIN XASUUQO”;
• Kol hadii ay weli jiraan kuwo gebi ahaanba Dafirsan ama iska indha tiraya Dulmigii, Dilkii iyo Xasuuqii loo geystay umadeena;
• Kol haddii weli la damacsan yahay in ummadeena mar kale loo geysto falal ka dhan ah xuquuqda Aadamaha;
• Kol haddii weli lagu hamiyayo in ummadda Somaliland xoog lagu muquuniyo si ay Somaliland mar kale khasab ugaga mid noqoto Midawgii ku dhisnaa Xaqdarrada iyo Khiyaaliga ee loogu yeedhi jiray Soomaali-weyn;
• Kol haddii ay weli nool yihiin, aan maxkamad la soo taagin oo ay xor yihiin gacan-ku-dhiiglayaashii xasuuqay ummadda JSL, welina ay ku hamiyeyaan inay mar kale ku xasuuqaan;
Sidaa darteed, muwaadin kasta oo ku qanacsan Gooni-isu-taaga JSL, isla markaana jecel in ay Somaliland noqoto Dal xor ah oo ka mid ah Bulshada Caalamka, waxa ku waajib ah inuu Dalkiisa ku difaaco wax kasta iyo si kasta oo suurtogal ah.
HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.