Shir Dhexmaray masuuliyiinta Wasaaradda Arimaha Dibadda Dalka Taiwan iyo Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tecknoolajiyada JSL

0

Hadhwadaag(Hargeisa):-Masuuliyiinta wasaaradda isgaadhsiinta iyo teknoolojiyada oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaaraddu ayaa hoolka shirarka ee wasaaradda, ku qaabiley masuuliyiin ka socdey wasaaradda Arrimaha Dibada ee waddanka aan dhiga nahey ee Tiawan.

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa ka wadda hadley sidii ay iskaashi caalami ah uga yeelan lahaayeen dhinacyada horumarinta ICT-ga, isaga oo wasiirku uga warbixiyey waftiga hiigsiga iyo himilada horumarineed ee wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyada Somaliland u dajisey horumarinta ICT-ga dalka.
Geesta kale Waftiga ka socdey dalkaasi Tiawan oo baryahanba ku sugnaa caasimadda dalka ayaa dhankooda sheegey in ay diyaar u yihiin iney wasaaradda kala shaqeeyan
mashaariicda E-government ka ee wasaaraddu wado iyadoo mashruuca ugu horeeya la kala seexan doono bisha April ee fooda inagusoo haysa.
Wadda hadalkan ayaa kusoo dhamaadey is afgarad wadashaqeyneed oo labada dhinac dhexmara mustaqbalka. Wasaaradda isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyaddu waxay marwalba dadaal ugu jirtaa sidii loo horumarin lahaa ICT-ga Dalka iyadoo lala kaashanayo daneeyayaasha kala duwan iyo saaxibada caalamka ee JSL